TELESOM IYO TILMAAMAHA LA MAHADIYAY:- W/ Q Rakad Maxamed Suldaan.

TELESOM IYO TILMAAMAHA LA MAHADIYAY

Telesom waa Shirkada Kaliya ee ina hagta, ina barta Degmooyinka Dalka intooda badan sida aad sawirkan ka aragtaan.

Safarkasta oo aan baxo waxaan Jeclaystaa inaan Garto Degmo kasta oo aan marayo iyo inaan Barto  inta ay ii jirto Halka aan ku socdo, markaan bilaabo safarkayga waxay indhahaygu qabtaan Boodhadh waaweyn oo lagu qoray magaca shirkadda  “Telesom” marka ay indhahaygu Boodhadhkaas ku dhacaan haddana waxaan arkaa degmadda aan joogo iyo ta ku xigta inta ay ii jirto.

Shirkadda Telesom waxay degmooyin badan ka taagtay boodhadh waaweyn oo lagu xardhay magaca degmada iyo degmadda ugu dhaw ee ku xigta iyo masaafadda ay isku jiraan, taasi waxay dad badan bartay tuullooyin badan oo aannay hore u aqoon waxaannay Bartay Masaafadda ay isku jiraan Tuullooyinka iyo Goboladduba oo aan hore dad badani u aqoon.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka Boodhadhka Telesom ka bartay inta ay isku Jiraan Degmooyinka iyo goboladdu.

Marka aad safar tahay waxa aad fahmaysaa in Boodhkani u taagan yahay Tilmaan Degmo iyo tusid masaafo, waxaannay markasta indhahaagu la Raac raaci doonaan meelkasta oo boodhkaasi ka taagan yahay  adiga jecel inaad ogaatid Degmadda aad Maraysid iyo Ta kuugu xigta, waxaanad xaqiiqsanaysaa Inta kuu hadhsan iyo inta aad soo socotay waxaas oo wanaaga waxa innoo sammeeyay Shirkada TELESOM oo aan ka dhex arko Jaceyl Bulsho.

Shirkada Telesom ayaa noqonaysa shirkadda  kaliya ee Talaabadan ku dhaqaaqday kuna guulleysatay tan iyo intii waddanka lagu soo noqday, ma  jirto shirkad ku dayatay maadaama hawshani tahay mid aad u culus, oo u baahan dhaqaale iyo aqoon kaleba.

Mahadgaara waxa leh Maamulka guud ee shirkada oo hawshan si qoto dheer uga fikiray,  una fuliyay waxaanan leeyahay waxaad qabateen Hawl qaran oo qiimaheeda leh, waxaad na barteen goboladdii dalka, waxaad na barteen intii ay isku jireen taasina dedaalkeeda iyo mahadnaqeeda idinkaa leh.

Runtii talaabadani waxay ahayd in laydinku Abaaliyo oo  la idinku qiimeeyo waxaanan ogahay in maalin un la idinku maamuusi doonno waxtarka balaadhan ee aad dalka ka wadaan.

Telesom waxay  ina bartay Magaca iyo masaafadda u dhexeeya magaallooyinka iyo gobolada.

Markaan halkaa marayo waxaan u samaynay Tixdan yar ee aannu ku Amaanay waxtarka Shirkadda TELESOM EE  Tilmaamaha iyo masaafadda goboladda Dalka waanna tan:-

Magac iyo Masaafo : TELESOM ugu hagaag.

Telesoom tis qaaddoo

Tabantaabinteedii

Iyo tabaabushayntii

Tamuuxdaa ka badanoo

Waxay taabtay horu socod

Tubtii horumar waaroo

Tabaalada dadweynaha

Way toosisaayoo

Taageeradeedaa 

Lagu wada tanaadee

Ma ogtahay tilmaamaha

Toobiyaha wadiiqada 

Lagu taxaye teedsane

Ku tusaaya meeshaad 

Time kaa marayside

Timiroow ma aragteen.

Farxaan Maxamed Suldaan  “Rakad”

Farxaanmxd@gmail.

Berbera

Advertisement

Ku Xayeysiiso