WANAAGA DADKEENA IYO MADAXDEENA MA DHUGANAA Ahmed Diriye

Wanaagga Dadkeena iyo Madaxdeena Hoos Ma u Dhugana Maanta

Marar badan ayaynu canaan, hiif, huruuf, haaraan, hiirtaanyo, iyo eed dusha ka saaraan dadkeena iyo madaxdeena, balse ma jiraa wanaag iyo samaan aynu u nisbayn karnaa. HAA, waa buux.

DADKEENU waxay ka mid noqdeen dadyowga adduunka kuwa ugu rajadda wanaagsan ee ugu farxadda badan, sida ay tibaaxeen Sahan Ra’yi oo la qaaday, oo aan qaarkood ka qayb qaatay. Sahamaddaas midkood oo al qaaday 2012

·         Ku dhawaad 10kiiba qofba 8 baa aaminsan inay xaaladoodu maanta ka fiican tahay, xaaladdoodii 12 bilood ka hor.

·         Siddo kalena 70% ayaa rajaynaya inay xaaladooda 12 bilood ka dib ay ka wanaagsanaan doonto sida ay maanta tahay.

·         Waa dad keliya ee waagii beryaba bixiya dhaqaale (Qaadhaan, mag, cashuur, iwm), iyadoo Saamiga Wadarta Waxsoorka Wadanku (Annual GDP per capita) ay tahay $444; oo tan adduunka ugu hoosaysa

·         Waa dadka keliya ee 10kii is-maan-dhaafba 8 xaliya, iyagoo aan cidna dacwad u gudbinin

·         Waa dadka keliya ee marka u gurmadda meesha ay masiibo ku habsato, sida abaar, colaad, duufaan, iwm

·         Waa dadka keliya ee ku dhiirada inay shicibku dhistaan wadooyin laami ah,

·         Marka roobku da’o, sidii maanta oo kale ayay dhamaan farxaan, iyagoo kala badh aanay jirin xoolo u daaqaya iyo beero ay leeyihiin midnaba

 

Madaxweyneyaashii Somaliland, kuwa Soomaalida kalena waynu soo qoraynaa

 

C/RAXMAAN AXMED CALI (Ilaahay ha u naxariisto), aabihii dulqaadka  iyo nabbadda, oo uu ku guulaystay curinta nabadgelyadda aynu maanta ku naaloonayno oo aynu markhaati u soo qadaan karo

·         Dib-u-heshiisiintii beelihii ay dawladdii iyo jabhadihii colaadda dhex dhigeen

·         Nabaddoonimo halka uu ka gaadhay wuxuu ogolaaday in gaadhigiisii laga qaado, isagoo ilaaladdiisii u diiday inay iska caabin sameeyaan, oo aan filayo inay ku adkayd madaxweynayaasha qaarood

·         Dulkaadkiisu wuxuu geyaysiiyay inuu  noqdo Madaxweynaha keliya ee qaab sharci darro ah xukunka lagaga wareejiyo; iyadoo la baal maray axdi qarameedkii jirey

 

MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL (Ilaahay ha u naxariisto), oo ahaa aabihii dawladnimadda Somaliland wuxuu ku guulaystay

·         Aasaaska iyo hawl-gelinta dhamaanba laamihii dawladda oo aan hortii jirin

·         Xoog iyo xeelad mid uu adeegsadaba, in badan oo hantidii qaranka ah oo uu ku soo celiyay gacanta dawladda sida dekedaha, garoomadda diyaaradaha, xafiisyada, iyo dugwsiyadda,

·         Unkidda iyo soo saarista dastuurka iyo xeerarka dalka,

·         Hirgelinta afdiddii dastuurka

·         Soo saaristii iyo hirgelintii lacagta Somaliland

·         Hub-ka-dhigista jabhaddihii iyo dablaydii aan laga seexan jirin

·         Dhabaha ayuu u xaadhay dimqoqraadiyadda Somalialnd ka jirta

·         Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo dhdidibadda u taagay

 

DAAHIR RAYAALE KAAHIN, aabihiidimqoraadiyadda iyo doorashooyinkaSomaliland, iyaddoo la rumaysan kari la’ yahay  dawlad aan la aqoonsanayn, oo ay dadka dagaalo dhex mareen, oo aan dhaqaale haysan ayaa doorasho qaban kara ayuu ku guulaystay

·         Diiwaan-gelintii ururadda siyaasadda, iyo aasaaskii saddex xisbi qaran

·         Ka midho dhalinta doorashaddii ugu horreysay ee gole deegaan

·         Ka jibo keenidda doorashaddii ugu horreysay ee gole xeer dejineed (Wakiiladda)

·         Hirgelinta labba doorasho Madaxweyne ee u horeeyay,

·         Madaxweynihii ugu horreeyay ee  Somaliland ee la doortay ee xukunka ku wareejiyay madaxweyne kale oo la doortay

·         Heerka dawladnimadda oo lagu cabiro tilmaame 1 ilaa 7 darajo ah (1 ugu sarayn, 7 ugu hoosayn) oo gaadhay 4.5; halka uu maanta ka yahay 5

 

AXMED MAXAMED MAXAMUUD (Siilaanyo),aabihii horumarka, wuxuu ku guulaystay

abuurista ilo dhaqaale oo aan hore u jirin, sida

·         Heshiiska Dekadda ee maanta dhaqaalihiisii lagu dhisayo wadada Berbera Corridor, dekadda Berbera, madaxtooyadda Somaliland, iwm

·         Dhaqaale horumarineed oo waddamada carabta laga keenay, oo aynu tusaale u soo qaadan karo, mashaarricda biyaha, gegida diyaaradaah ee Hargeysa

·         Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somalialnd Develipment Fund), oo lagu maal geliyay jidka Hargeysa ila Sheekh, jidka Dila ilaa Kalabaydh, seeraha Aroori iyo Qool cadday, waxbarashadda iyo caafimaadka Sool iyo Sanaag

·         Hirgelinta waxbarashadda lacag la’aan ah oo aan hortii jirin

·         Kordhinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamadda

·         Abuurista iyo ka hirgelinta darajada ciidamadda

·         Heshiisyaddii jabhaddaha iyo siyaasiyiinta goboladda bariga ka soo jeeday

·         Wuxuu bilaabay wadahaddaladda Somaliland iyo Soomaaliya, oo beesha caalamka iyo Soomaalida dhexdeedaba sumacd uga sameeyay Somalialnd iyo Soomaaloida kaleba

·         Wuxuu ahaa Madaxweynaha keliya ee isagoo xaq u leh inuu isa soo sharaxo; ka tanaasulay ee yidhi isma sharaxayo, iyaddoo aanay jirin cid ku jujuubtay

 

MUUSE BIIXI CABDI, aabaha dhaqanka suuban ee dawladnimadda, oo muddo gaaban xilka hayay wuxuu ku guulaystay (Mustaqbalka mooji) inuu

·         Xusho masuuliyiin da’yar oo aqoonyahanno ah,

·         Ka raabay madaxda dawladda inay dhex dabaashaan siyaasadda beelaysan, oo ay ku foognaadaan hawshooda

·         Kala soocay hab-dhaqanka dawladnimadda iyo kan qoyska oo hore isugu qasmay

·         Dhisida madaxtooyadda cusub

Advertisement

Ku Xayeysiiso