Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sidee Loo Akhrin Karaa Ethiopia (Qaybtii 12aad) By: Maxamed Xoosh

Inta Badan Somalidu Marka Ay Faalaynayso Dawladda Ethiopia Waxay Kusoo Gaabiyaan Waa Dawlad Gaalo Ah Oo Inoo Cadaw Ah “Siyaad Barre” Ayaa Aragtidaa Sii Xoojiyay

Si Loo Qiimeeyo Ethiopia Waa In La Akhriyi Karaa “Geopolitics” Dalka Iyo Wax Badan Oo La Hal Maala …

Gobalada Ethiopia Dhexdeeda Waxay u Qaybsan Yihiin Sadex

Gobalo Horumaray “Waqooyiga Iyo Oromada”

Gobalo Dib u Dhacay “Somalida,Canfarta, Gambelaha, Bin-Shingul

Gobalo u dhaxeeya Labadaa “Shucuubta Koonfurta”

Qawmiyadaha Badan Ethiopia Qaybo Ka Mid Ah Waxa Gacantooda Ku Ururtay Aqoontii, Hantidii, Furayaashii Dawladda, Ilbaxnimadii Iyo Dhaqan Xukun Ay Dhaxleen, Awoodihii Bilayska iyo Ciidamada Kala Duwan …

Dhaqaalaha Kobcaya Waxaa Garab Socda Tirada Dadka Ethiopia Oo Xawli u Kobcaaya 
Oo Mar Walba Horumarka Dib u Dhac Ku Haya

Ethiopia Waxa Ka Jira Nidaam Dawladeed Oo Dhidibo Adag Oo Dabaylaha Yimaadaa Ka Adag Oo Xiliyadii Boqortooyada La Dhisay Siina Adkaanaayay.

Nidaamka Xukunka Iyo Ethiopia Wuxu Ku Dhisanyahay XOOG Iyo Kolba Ninka Awood Ku Qabsada, Xaga Somaliland Uu Ka Jirto Doorasho Si Nabad Ah La Iskugu Dhiibo

Ethiopia Waxa Ka Jira Dawlad Cashuurta Si Fiican u Gurata Weliba Cabudhisa Ciday Doonto, Xaga Somaliland Ay Ka Jirto Ganacsi Xor Ah Iyo “Dawlad” Aad u Liidata Oo Ganacsatada iyo Beeluhu iyo Shacabkuba Ka Adag Yihiin
Waxaa Ku Garan Kartaa Waxa Dalka Dhan la Miisaaniyad ah Shirkad Ama Laba Wadaniya !!!

Ethiopia Waxa Lagu Tilmaamaa Dalka Keliya ee Dawladeedu u Hiiliso Shacabka Xaga Maciishada Iyo La Dagaalanka Xoortaysiga Cid Keliya Wax Walba Xaga Somaliland Ay Tahay “Aabahay Goblan”

La Soco

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso