Miyaa la baabay Hanti dhawrka Guud ee Qaranka hussein Badmah

Miyaa la baabay Hanti dhawrka Guud ee Qaranka

hussein Badmah

to hubaal100@gmail.com, jamhuuriya@yahoo.com, foore2010@yahoo.com, +11
14 minutes ago

Details

  Miyaa la baabay Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka
Hayaanka dawladnimo,hiigsiga aqoonsiga waxaa hays u yeelay hamiga siyaasiga kursi doonka ah.Dhamaan teena waxaynu ku fooganahay kursi salka ku haya qabiil,innaga leexiyay ku dhaqankii sharciga,curyaamiyay horumarka wax qabad ee rukunada u ah xoojinta dawladnimo.
Muwaadin dhismaha dalkan waad ogtahay carqaladaha iyo waqtiga adag ee uu ka soo gudbay,dhibaato kasta oo jirtay midnimo ayaa lagu xalilay,maantana markaad eegto guud ahaan meel wanaagsan ayaynu maraynaa haba jiraan dayrar aynu dumin kari la’anahay oo aynu ku guul darraysanay doorashooyinka waqtigooda lagu qabto,qabyaaladii oo miciyahii libaaxa inagu yeeshay,madax-dhaqameedkii oo siyaasada ku milmay,sicir bararka loo maaro la’ayahay iyo musuq-maasuqa la xalaalaystay.Arrimahaas oo uu madaxweyne Muse miiska ugu yimi,lagana sugaayo talaabooyin kuu ku xalili lahaa.
Muwaadin waxaad ogtahay dhibaatooyinka iyo taba-shooyinka jira waxa u sabab ah hay’adaha dawliga ah oo hawla hoodii gabay.Tusaale Hanti dhawrka guud ee qaranka iyo Gudida la dagaalanka musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga gebi ahaan ba inay shaqadoodii baylah santay sidaa darteed caaday noqotay in hantida qaranka la boobo,musu-maasuquna xalaal u noqday.Hadii ay si daacad ah qaranka ugu adeegi lahaayeen, fulinna lahaayeen xilka ay qaranka u hayaan may timaadeen inuu Madaxweyne Muse degreeto ku soo saaro qaybo ka mida hantida qaranka in dib loogu soo celiyo,lana diiwaan geliyo hantida qaranka ee ku jira gacmo gaar ah.
Muwaadin may dhacdeen hantida qaranka in si sharci baal marsan ama eex loogu wareejiyo muwaadiniyiin gaar ah hadii Hanti dhawrka guud ee qaranku gudan lahaa hawlaha ay u xil saaran yahiin.Weli maan maqal Hanti dhawrka guud ee qaranka oo daba gal iyo baadhitaan ku sameeyay hantida qaranka ee sharci darrada cid gaar ah loo siiyay,wax yaabaha kale ee la lunsaday marka laga reebo mar ay sharkad gaar loo leeyahay oo madaarka Hargeysa ka shaqaysa hadana ay faraha kala baxeen,waana hawlaha ay u xil saaran yahiin inay hay’adaha dawlagiaa iyo kuwa aan ahayn ba baadhitaan rasmi ah oo joogto ah ku sameeyaan,musuq-maasaqa daba gal ku sameeyaan,waxa qaloocan ee u cadaadana ka diyaariyaan eed,una gudbiyaan Xeer ilaalinta guud si dacwad ugu soo oogaan dacwad cida eedu dul hogoto.
Hadaba muwaadin waxa la yaab leh sababta Hanti dhawrka guud ee qaranka uga maagayo inuu fuliyo xilka ay u hayaan qaranka,ma habrasho ayaa dabartay,ma baqasho ayay la hurdaan mise hadba cida wax lunsanaysa ayay hogaan ugu xidhan yahiin,anigu garan waayay.Waxa iyaguna dooni la saaran Gudida la dagaalanka musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga.Talow iyana ma daamur ayaa loo mariyay kuraasida xafiis yada dooda yaala oo dhigay.Ma iyagaa ka qayb ah musuq-maasaqa,mise laaluush madaxa ugu maran.Bal adba.
Muwaadin waxa hubaal hay’adahan aan ka hadlayaa inay ka mid yahiin hay’adaha ugu muhiimsan ee kobcinta dhismaha dawladnimo,ilaalinta hantida qaranka,tir-tirka musuqa iyo toosinta cadaalada.Balse hada waxay u muuqdaan inay caqabadaha dalka hor taagan ka mid noqdeen.
Gabo gabadii waxaan leeyahay miyaa la baabay Hanti dhawrka guud ee qaranka ilayn sidani si maahee.

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso