Mashruucii biyo fidinta Xunboweyne ee fashilmay xaguu ku danbeeyey? lacagta la lunsaday ayaa ka badan $165million dollar

Mashruucii biyo fidinta Xunboweyne ee fashilmay xaguu ku danbeeyey? lacagta la lunsaday ayaa ka badan $165million dollar

Somaliland ma ku sii Jiri doontaa  musuq-maasuq iyo maal-urursiga xadhkaha goostay,  balan qaad been ah iyo khiyaamo joogto ah . Waa in dawladnimadu shaqeysaa oo la helaa cid loo maxkamadeeyo  cidii lunsatay lacagtan tirada badan ee hoos ku taxan. Lacagtani may marin nidaam xisaabadeed dawladeed oo hufan, lagumana bixin shuruuc maaliyadeed iyo xeerarka qandaraasyada qaranka ee dhawaan la ansixiyey.

1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqaday JSL lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar si biyaha loo fidiyo

2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa  2011-kii JSL ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4-ta magaalo ee waaweyn oo Caasimada Hargeysi ugu horeyso.

3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii inoogu deeqay $64 Million doolar si loogu horemariyo 9 mashruuc oo mashruuca ugu balaadhnaa uu ahaa $8.5 Million dollar loona qoondeeyey biyo balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa

4- Waxaa iyana isla Sanadkaa qorshe howleedkii higsiga qaranka  ( Somaliland Development plan 1) ee 2012-2016  biyo balaadhinta biyaha dalka loo qoondeeyey lacag dhan $28 Million oo dollar oo biyo fidinta caasimadu ugu horeyso.

5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargiesa ku deeqday $ 23 Million oo dollar

6- Shirkada Coca Cola waxay ku deeqday biyo fidinta Caasimada Hargeisa $5 Million oo dollar

7- Baanka Aduunku wuxuu ku bixiyey biyo gelinta caasimada  Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar

8- Sanduuqa Somaliland ee SDF waxaa Biyo fidinta Caasimada hargeisa loogu soo riday $ 10.5 Million dollar

9- Markii sedexaad dhawaan midowga yurub (EU ) markuu ka yaabay mashruucan aan dhamaaneyn wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameystirka biyo fidinta  mashruuca xunbo weyne si Caasimadu ay mar uun biyo ku filan uhesho.

10- Hayada African Water Facility oo loo soo gaabiyo (AWF) ayaa iyna ku deeqday 3 Million Euro 

11- Baanka Horumarinta Africa oo loo soo gaabiyo ( AFDB) ayaa isna biyo gelinta JSL ku bixiyey lacag dhan $ 8.5 Million dollar. Total ka lacagtaas  kor ku taxan ayaa noqonaysa $165 Million oo Dollar  taas oo loo qoondeeyey in ay soo af jarto lacagtaasi Qorshe hawleedyadii horumarinta biyaha  Somaliland ee 5-ta sanadood (2012-2016 ) Waxaana  Mashaariicdan mar kasta laga  fuudhyeelaayey dib u habeynta iyo fidinta biyaha Caasimada Hargeisa  iyo nawaaxigeeda oo ilaa iyo maanta biyo la’aan badani ka jirto taa soo ay shacabka reer Hargeisa is weydiinayaa meesha ay martay lacagtaa Malaayinka Dollar ka ahi iyo cidii lunsatay?

Maxay  ka tidhi Mashruucan Fashilmay  Xukuumada  Cusubi ?

1- Kut’e  mashruuca 1aad ee magaciisa la yidhaa  (HUWSUP ) waxay EU ku maalgelisay lacag dhan $15 million Euro ah. Waxaa sanduuqa horumarinta ee SDF  isna mashruucan ku maalgelisay lacag dhan $11 million dollar waxaana mashruucaa fulintiisa  loo xil saartay markii la kala shakiyey hayadaUN Habitat waxaana shaqada mashruucaa si aan loo musuqmaasuqin dusha ka ilaalinaaya Shirkad Jarmal  ah oo la yidhaa (FITCHNER )  hadaba shacabka reer Somaliland waxay is weydiinayaa meesha uu mashruucani ku danbeeyey ? Mise wuxuu isna noqday aan ka fuudee alow fiihaa … !!

2- Lay’e mashuuca 2aad oo isna Hargeisa Gudaheeda ka socda waxaa lacag gaadhaysa23,500,000 Million oo Euro ku bixiyey Banka Horumarinta Dawlada Jarmalka waxaana shaqada mashuruucan gancanta ku haya shirkad Jarmal oo la yidhaahdo CES?  Hadaba su’aashu waxay tahay xaguu marayaa mashruucaasi? oo  isna mudadiisii dhaafay ? Goorma ayaa Hargeysi biyo ka helaysaa ?

3-  Kuy’e Shirkada Coca Cola international waxay iyana ku deeqday biyo balaadhinta lacag dhan $5 Million oo dollar waxaana ay gacanta u gelisay shirkad Talyaani ah oo la yidhaaTS shirkadaa  oo magaalada dhexdeeda kawada taangiyo dhaadheer? ilaa iyo maanta ummadda uma cada meesha ay howshaasi marayso iyo goobta iyo goorta ay biyo ka heli doonaan reer Hargeysa.

4- Mashruuca Xunbo-weyne waxaa maalgelisay hayada UAE u qaabilsan Horumarinta ee loo yaqaan Khalifa Foundation waxaana howshaa u qabilsanaa nin la yidhaahdo Mr Falaax Al-Axbaabi, waxaana mashruucaasi loo qaybiyey laba weji oo kala ah:

A) in Ceelasha la qodo.   B) In baraagaha la qodo oo beebabka la dhigo.  Waxaa markiiba fashilmay wejigii kowaad ee ahaa in Ceelasha la qodo. Hadaba su’aashu waxay tahay yaa loo raacayaa oo loo soo qabtay mashuuracan baaxada leh ee fashilmay?  ma Khawaajigii Al-Axbaabi ayaa laga dabo tegayaa oo loo maxkamadeynayaa? Mise xaalku wuxuu ahaa qaado aan qaatee !!

5- Mashruuca 2-aad ee Biyo balaadhinta Caasimada Hargiesa wuxuu ahaa Mashruuca ka socda Geed-deebleh iyo Hori-haatley. Waxaa mashruucan ku midoobay World Bank, German Bank, SDF,  EU iyo Shirkada Coca-Colla. waxaana mashruucan lagu maalgeliyey lacag dhan $79 Million dollar. mashruucan waxaa hawshiisa wada hayada UN-habitat  waxaana ay  aheyd in uu mashruucani uu isna dhamaado Bisha Janaayo ee sanadkan 2018ilaa iyo hadana muu dhamaan xukuumaduna  kama ay jawaabin mashaariicdan hantida badani ku baxday halkii ay ku danbeeyeen iyo cida lunsatay lacagihii loo qoondeeyey ee lagu dhameystiri lahaa.

Guntii iyo Gebo gebadii qormadan : Anigu daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso -Mashruucan baaxada leh ee musuqa badan dugsanayaa hawshiisu waxay u taalaa xukuumada talada haysa ,gaar ahaan Hanti dhowrka guud ee qaranku in uu baadhis dhameystiran geliyo oo uu hawshiisa dastuuriga ah ka guto.

Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso