Kabtan Diyaarad Suuriya laga Leeyahay oo Wadnuhu Istaagay Xili ay ku dagaysay Madaarka Moosko

Duuliye Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Ajnixta Shaam ee Dalka Suuriya ayuu wadnuhu istaagay xilli ay ku dagaysay Madaarka Venukovo ee Moosko, Duuliyaha labaad ee Diyaarada ayaana ku guuleystay inuu diyaarada Si nabadgelyo ah ku dajiyo.

Sida ay werisay Wakaalada wararka Interfax ayna ka soo xigatay Masuuliyiinta Madaarka Venukovo Diyaaradan oo Airbus ah ayaa soo diratay fariinta gargaar ka dib markii Duuliyaheedi wadnuhu istaagay, halka duuliyaha labaad uu xaqiijiyey inuu awood u leeyahay inuu soo dajiyo diyaarada.

Masuuliyiinya ayaa sheegay in ay goosteen in diyaaradu ku soo degto Madaarka halkii ay ka tagi lahayd Madaarka kaydka taas oo ay ku soo degtay si nabadgelyo ah wax dhibaato ahina soo gaadhin diyaarada iyo rakaabkiiba.

Duuliyihii ama kabtankii Diyaarada ayaa loola cararay Mid ka mid ah cusbitaalada Moosko halkaas oo lagu cadeeyey inuu wadnuhu istaagay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso