Laba dhaqan iyo shinni boqor

Laba dhaqan iyo shinni boqor

Dhaqan qudhaanjo

Qudhaanjo yaryarida waxay kaga dartay dareen la,aanta iyo qaab xumida ay isu daba huleesho, taas oo kuu muujinaysa in qalad iyo saxba ay hayso raadkii iyo dariiqii ay mareen kuwoodii hore, haba yaraatee fikrad kama haysato qudhaani samo iyo xumo midkii ay ku raacday hogaankeeda .

Bal si dhugmo leh u fiiri gidaarka gurigiina amaba dibada xafiiskaaga waxaad arki qudhaanjo aad moodi iliilad biyo ah, teeda dhexda ku jirta iyo kuwooda dambe ma oga meel loo socdo, in cadaabtii loo aroori iyo in ciyaar loo dareeri . arrinteedu waa iska daba humbaalee, waa isku dayasho damac maleh iyo dood salkeedu yahay dameeri dhaan raacday

Dhaqan caaro

Astaan caaro, dareen iyo waxqabad caaro
Aslan caaradu waxay u gashaa dadaal adag si ay xuub ugu meeriso meel aanay maamulkeeda iyo milgaheeda toona lahayn , kaaga sii darane haddii ay mar’uun dhisan lahayd dayr adag oy cadawga kaga gaashaamato, kumay jiri lahayn barakac joogto ah iyo hayaan abado ah.

Sida aboorka uma awood iyo xeelad badna, waxay hore u gudoomatay koobka guri xumaanta, waxaana marag ma doon ah in aanay nafteeda iyo ta awlaadeeda toona irbad dhuub u galineyn.

Shinni boqor

Haddii aad in uun maqli jirtay isbadal, saw shinidu isbadal uma samayso sida aynu aragnay, maxaa ka rayi wanaagsan boqoradda, maxaa ka furfurnaan iyo shaqo badan dhedigeeda , labkeeduna waa hawl kar boqorada u miciina.
Waa dawlad fikir wadaag ah , hawl iyo hanti wadaaga.

Qaab dhismeed toolmoon, qiyam iyo hogaan suuban ayay ku astaysan tahay .

Waxtarkeedu wuxuu gaadhay inta uu noole ka tiro le’eg yahay, cayayaan, xayawaan iyo aadmi intaba

ENG XAASHI, HARGEISA ,SOMALILAND

Advertisement

Ku Xayeysiiso