Cashar ku Saabsan Ka Hortagga Waxyeelada Dabka: – Diyaariye : Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto: Axmed Maxamed Xasan— Qaybta 5aad.


Cashar ku Saabsan Ka Hortagga Waxyeelada Dabka: – Diyaariye : Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto: Axmed Maxamed Xasan— Qaybta 5aad.
______________________________

Haddii ad aduunweynaha meelaha qaarkood ad marto oo ad qofkii kaasoo hor baxaba ad weydiisid dabka khatartiisa, dabku wuxuu yahay, iyo sida ugu haboonee looga taxadiri karo loogana baxsan karo waxaa laga yaaba inuu kuu sheego oo u wax ka yaqaano, sababtoo ah qofku amma ardey ha noqdo, shaqaale hanoqdo ammaseba baayacmushtar caadiyaba hanoqdee waxaa u isku taxalujiyaa inuu wax ka barto halista dabka iyo sidii naftiisa iyo hantidiisaba uu uga samata bixin lahaa.

Caruurta markey yaryaryihiin waxaa labaraa edebta, nadaafada iyo wixii la mid ah, maxaase inoo diidey inaanu barno oo aynu ku baraarujino waxna uga sheegno halista dabka, sababtoo ah caruurta waxaa lagu tilmaama iney yihiin baadheyaasha dabka ugu soo hor sheega meeshu ka dhaco, sababtoo ah marka guriga la joogo laga yaaba dadka waaweyni iney fadhiistaan meel keliya, hase yeeshee caruurta guriga joogta meel kasta oo guriga ka mid ahba intaa wey cararayaan sidasaaney hore ugu arkaan dabka ka dhaca guryaha, waxaana kaleeto iyena barbar socda caruurtu iney yihiin kuwa ugu sababta badan leh ee dabka geysta ammaseba dhaliya, sababtoo ah wexey ku cayaaraan kibriidka ay helaan ammaseba dabka nool, wexey ku cayaraan oo kale qalabka korontada, ammseba iyegoo is eryanaaya ayey sii ridaan girgireyaasha, feynuusyada i.w.m.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska

Hargeysa/Somalilland

Advertisement

Ku Xayeysiiso