CAARE WAA DANBIILE QARAN, INA BUUBAANA WAXAN LEEYAHAY..”GANACSADE CALI GULED…..

(Toggaherernews)-CAARE WAA DANBIILE QARAN, INA BUUBAANA WAXAN LEEYAHAY..”GANACSADE CALI GULED…..

Ganacsade Cali Guuleed Ayaa baaq nabadeed u diray juooyin walaalo ah oo diriri ku dhexmartay gobolkaasi sool,ganacsadaha Oo arrintaasi iyo arrimo kaleba faahfaahinka bixinya ayaa yidhi:

(Marka uu horeysa waxaan tacsi u dirayaa dagaalka kadhacay sool iyo geerida foosha xun ee aanu maqalnay ee sokeeyaha ee isku dilaya sool waxaanan leeyahay intii dhimatay alle ha u naxariisato .

ISmaaciil Buubaaoo nin weyn ah ragga ugu mudakrsan dadkana ah qoys qiimo badana kayimid ayaawaxaa uuka hadlaa waxyaabo dadka yar ee soo koraya aad ugu fool xun oo qabyaalad leh ookala qaybin leh waxaanan leeyahay ismaaciil ,ismaaciilow anigu ragga qoyskiinii ay aad u yaqaaneen iyo Aabbahay mahdi sida ay isku ahaayeen iyo dadka aad ka timid tuntooda markaan eego iyo dadaada waxaan ku odhan lahaa kala qaybinta ubadkeena sodon jirka ah ka daa waana kugu fool xumo .

Bishan ayaa madaxweyne Muuse Biixi Uu soo saaray wareegtoin gacantii dowlada lagu soo celiyo waxaanan qabaa in kaydkaa qaranka in lagu celiyo gacanta dowladda waana muhiim wixii waaxaha gaarka loo leeyahay ka galayna in waxoodii loo celiyo oo wax laga siiyo waana muhiim waxaana taasi odhan lahaa waar gacmo wado jirbay wax ku qabtaane in haamahaasi sharci lagu wareejiyo .

Haddii aynu Ilaahay ka baqno caare waa dambiile qaran oo cidna looga baqi maayo iyo wixii la mid ahiba waxaanan odhan lahaa taasina waar yaan dadka la lugeynin taariikhda kamay dhicin nin qori soo qaatay u talaaba meel kale oo ku soo duula qaran caare waxaan odhan lahaa caare wixii laga yeelaayo xukuumada somaliland iyo madaxweynaha iyo militarigaba oo lagu soo jeedaayo laguna hurdaayo taasina haloo daayo sidaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso