HUBKA DHIGA: GABAY. BY: MAXAMUUD IBRAHIM (XAAJI)

HUBKA DHIGA: GABAY. 07/09/2018.

Warka Dhummay Ciyoon iiga yimid waa mid dhiillo lehe,
Dhegahiyo mid weeyaan u daran dhaayihiyo jaaha
Waa mid aanan dhaadayn beryahan cidina dhawrayne
Dhimirkiyo mid weeyaan qalbiga dhibic ku reebaaya
Dheg xumana mid weeyaan watoo dhibaya maankayga

Nabaddii la dhaabee kal hore dhidibka loo taagay
Ee dhaarta iyo laysu maray dhaqankii sooyaalka
Ee dhegaha Daaroodku yahay loo dhammaa badiba
Ooy waliba land-tuna dhambaal dhab ugu taageertay
Dhawrtadana laysugu yimoo laysu dhafan dhaafay….
Ee lays dhex degay reerihii dhaankuna is raacay
Dhankastooy u tahay xaajadii dhacanta loo jiidey
Ee dhaabadda ay wada turqeen Dhooddi iyo Yoonis
Ee ay Dharkayn wada degeen laysna dhinac seexday
Ee dhibicda eebbe u shubee dheregta loo tiicay
Dhiilahana loo wada cushiyo dhoomihiyo jaarka
Ee ay dhitada kaydiyeen Dhoofa iyo Kaaha
Ee subagga laga dhawrayee yara dhanaanaaday
Habluhuna dhaalka u qorteen dhuraha geylgeylan
Ma dhiig baa ka soo dhacay halkaan dhool ka filanaayey

Dhul gariir miyaa xigay misana dhamac la liishaamay
Dhaawaca miyaa yaal mar kale dhabanki Laascaano
Dhooliga miyaa ciyoo misana dhirif qalaadaaya
Ma dhallaankii baa loo walqalay axan dharaar jooga
Dhaxalkii adoogood miyaa lagaba dheereeyey
Ma dhulkoodii baa lagu af rogay dhamac hulaaqaysa
Dhur halkay filaayeen miyaa dhabato loo qooshay
Dhudi iyo miyay hooyadood dhaban madoobaatay
Waxaan cidiba dhawrayn miyaa dhalada loo saaray
Dheddigyo laboodkii miyaa dhuunta laga toogtay
Dhugweynihiyo Suugii miyaa laysu wada dhiibay
Dhawdhawda aakaaga iyo dhumuclihii faalka
Dhammihiyo ma jiibkaa dhergoo loo dhugtamay geeri
Dhextaalka iyo guurtidii miyaa dhiiggu hibiqleeyey
Dhaawaca iyo maydkii miyaa haadku wada dhuuqay
Double-double miyaa loogu rogay dhoobadiyo ciidda
Ma dharaar colaad baa mar kale dhalatay waa yaabe

Ninka dharabka beelihii fadhiyey ee dhamayey soofeenka
Ee dheregta eebbahay qabee dhaqayey maadhiinta
Ee dheriga wada cunahayee dhareer walaaloobay
Ee dhallaanku ay qooqayeen dhabarka hooygooda
Oo ay dheesha fiidkii gabdhuhu dhab ugu luuqaynin 
Dhawaqa iyo jiibtii ragguna ugu dhayuuceenba
Intaasoo isku dheegoo haddana dhab u jalaadaaya
Oo dhinac u wada boodayoo farax dhawaaqaaya
Ninka kala dhantaalee isagu dhagarta oogaaya
Haddaydnaan dhafoorkiyo wadnaha dhaabbad kaga jiidin
Dhudhummada hadaydaan ka jebin dhuuxa iyo ruugga
Haddaan labada dhaad iyo la jarin dheerta bawdadaba
Ooydnaan dhiigga tuubiyo ka sudhin dhuumo kala miira
Dhafandhaaf hadaan jeenyihiyo dhegaha loo goynin
Ninka dhuumanaayee haddana dhabarku soo jeedo
Dhagax iyo haddaydaan ku dilin dhebiga qoolaabaan.
Haddaydaan ka dhiidhiyin ciyoon ama dhib loo qooshin
Dhiiqada haddaydnaan ka bixin dhiidhigiyo moolka
Oydnaan dhiriqda uu reerku galay dhab uga soo laaban
Dhankii ay ahaataba haddaan samaha loo dhooban
Wallee inaan wixii dhaca xigtooy cidi ka dheefaynin
Dhegeey farey wallee waxa ka dhalan tu’aan la dhaadaynin

Waxba gabaygu yuu ila dhixine waxaan ku soo dhaabay
Cirku wuxuu ku dhaataa markuu dheehu qariyaaye
Dhulkuna wuxuu ku dhaashtaa markay dhibicdu hoortaaye
Dadkuna wuxuu dhaqdaa waa markay nabadda dhawrtaane
Dhalanteedka shaydaanku wado dhagartan heeryaysan
Dhabbaduu iblays jeexayiyo dhabaqaduu gaysan
Dhinacyaynta shaydaanku wado dhoohanahan fiigay
Dhoodhoobka beentee bulshada lagu dhex beeraayo
Dheef iyo wallaan laga helayn dhigasho sii raagta
Aakhirona waxaa laysu dhigi dhamacdi Naareede
Intaan dhawr kaleetiyo la dilin dhumucdii waayeelka
Ama dhallinta xoolaha waddiyo dhudi basaasoobin
Amaan sidii dharaarihii is xigay dhuuni laga waalan
Amaan dhulka abaar lagu sallidin dhiruhu duugoobin
Amaan dhugato geelaba halligin dhuuxuna istaagin
Amaan laydin dhalin rogin kurtiin laydin dhagax qaadin
Hubka dhiga dhallaankana u tudha oo dhab ugu hiisha
Dhug u tuuga waaqiin isagaa dhaafa wuxuu doono
Dhafra oo quraankiyo ducada dhab ugu luuqeeya
Wixii aad dhahdaan wuxuu karaa inuu dhabeeyaaye
Ilaah haydin dhawree wiqiin samaha dhoodhooba
Ku dhadhaba wanaagoo xumaha dhab uga tooreeya.
Hubkadhiga toloow oo mar kale nabad u dhaanteeya.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso