War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Dawlad Goboleedyada ee Kismaayo oo lagu sheegay in wadashaqyntii dawlad goboleedyada iyo dawlada federalka joogsatay

War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Kismaayo maamul goboleedada Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in wadashaqyntii dawlad goboleedyada iyo dawlada federalka joogsatay , inta xal laga gaadhayo khilaafka iyo is faham la’aanta.

Geesta kalena Waxayna Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqeen in khilaafka la xaliyo, lana helo roadmap lagu dhamaystiro hawlaha qabyada ah, kaa soo leh damaanad qaad (guarantor).

Sidoo kale waxay ku baqaaeen shirwayne qaran oo Garawe lagu qabto bisha soo socota.

Nuxurka war- murtiyeedka ayaa sida uu u dhigan yahay waxa lagu sheegayaa in dawlad lala shaqayn karo dalkaasi aanay ka jirin waxaanu Dawlada Federaalka ah lagu eedeeyey in ay sabab u tahay fashalka dhinaca amniga iyo siyaasada. Waxay kaloo dawlada federaalka lagu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn la dagalaanka Alshabab, iyadoo hay’adii Nabadsugida, Garsoorkii, Xeer Ilaalintii iyo Hanti dhowrkii u adeegsaday dano siyaasad, sirta dawlada Soomaaliyeedna la wadaaga ajnabi.

Waxay kaloo ku eedeeyeen dawladu in ay faragelin gurracan ku hayso dawlad goboleedyada, colaadna ka huriso deegaanada qaarkood.

Waxaa muuqata in ay tani tahay dharbaaxadii ugu wayneed ee soo gaadha dawlada Federaalka ah, sababtoo ah wadashaqaynta labada dhinac ayaa halbeeg u ah horusocodka dawlada Somaaliya, maadaama Dawlad Goboleedyada ay yihiin saamileey siyaasadeed ( political stakeholders) shirko (partner) la ah dawlada Federaalka ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso