Suuragal miyaa in heshiis saacado gudahood lagu saxiixo, Soomaaliya safaarad kuma laha Eriteria . Siyaasi Cabdiraxmaan CabdiShakuur oo Dhaliilay Heshiis Farmaajo ku galay Asmara.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ayaa dhaliil u soo jeediyey Heshiis ka dhacay Asmara una dhaxeeya Somalia ,Itoobiya iyo Eretria, Isaga oo ku tilmaamay mid aan suuragal ahayn baaralmaanka na waydiistay inuu dib u eegis ku sameeyo.

Hadalka Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa u dhignaa Sidatan:-

Ma durba. Suuragal miyaa in heshiis saacado gudahood lagu saxiixo. Soomaaliya safaarad kuma laha Eriteria, lamana maqal wafdi horu dhac ah oo madaxweynaha hortii Asmara tegey kaa soo diyaarinta iyo dooda heshiiska ka qayb ahaa.

Horay ayaa heshiis kan oo kala ah afar dekadood saacado gudahood lagu saxiixay. Safiirka xiligaa Soomaaliya u fadhiyey dalka Itoobiya, ayaa laga sheegay in uu yiri Abiy Axmed in uu Muqdisho ka degey qalabka warbaahinta ayaan ka ogaaday.

Su’aashu waxay tahay muxuu Madaxweynuhu dhawaqa dhiilada wata ee Kismaayo ka soo yeeraya isaga indha tirayaa? oo uu mudnaanta u siinayaa, uguna degdegayaa heshiisyada caynkaan ah, isagoon dadkiisii wadan, walaalihiisa deriska ah la tashan, maxaase Shacabka laga qarinayaa.

Baarlamaanka Federaalka ayaan ugu baaqaynaa in uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada deg dega iyo mugdigu hareeyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso