Musuqii iyo Maroorkii Maxamuud Xaashi Cabdi: Qormada 1aad. W/Q Siciid Gahayr

Siciid Maxamuud Gahayr

“Inta aan martabad gaadhayeen, Maatir noqonaayo

Ee maanku gabay iyo tix iyo, maanso tirinaayo

Ama aan maqaal qoriba karo, maaggu waa farale

Is-muquunin baa noo axdiya, mawdka oon dhicinne”

Gabayga Murdiso, 9kii Sebtember 2016ka.

 

Afeef

Iyada oo ninka aan xusayaa uu yahay masuul hore oo xilal ka qabtay Somaliland, isla markaana uu hadda yahay ragga hanka leh ee u “ham iyo dig” leh hoggaaminta Xisbiga KULMIYE, kollay qof kasta oo fagaaraha taagan waa la faaqidayaa. Marka laga yimaaddo gefka iyo guusha uu qaranka gaadhsiiyay, annaga waxa noo yaalla axdiga ku xusan afarta meeris ee kore.

 

Walaw is-aqoon naga dhexeeyo, haddana waxa na dhex maray falka ugu adag ee qof siyaasi ah aannu isku qardoofno. Wacadkayagu waa is-muquunin. Sidaas awgeed, fadlan yaanu jirin qof isku deya in uu ka ergeeyo qoraallada aan ku faaqidayo wixii uu qalloociyay. Isaguna tab iyo xeel kasta wuu dheeli karaa.

 

Cid walba oo mudanahaas sacabka u tumaysana si niyadsami ah ayaan u soo dhaweynayaa. Waa la difaaci karaa, aniga waa la i naqdiyi karaa, welibana maqaallo la igu burin karaa. Si gaar waxa aan u maamuusayaa walaalaha xog-ogaalka ah ee igu kabi kara xog badhi-taarta dhaca aan diiraadda ku hayo.

 

Iyada oo guud ahaan la ogyahay korodhka ku yimi musuqa, qaraaba-kiilka iyo naasnuujinta lagu sameeyo ilaha dhaqaalaha qaranka Somaliland, gaar ahaanna intii ay xilka haysay xukuumaddii hore (2010-2017), waxa aynu qormadan ku eegi doonnaa gabboodfalkii iyo ku-takri-falkii hantida iyo mansabka qaranka uu ku sameeyay, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi. Haa, haddii aan sheegay duudsi jiray xilligii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, dhanka kalena waxa jiray waxqabad lagu tallaabsaday.

 

Toddobaadkii hore ayay Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranku shaaciyeen magacyada dad iyo shirkado ay ku sheegeen in ay is-daba-marin ku kaceen. Laakiin warbixintaas wax baa ka dhinnaa. Waxa la yidhi nin baa beri tiriyay magacyada dhirta, markaas ayuu gobkii iyo galoolkii ka tegay. Waxa la yidhi “Dhir aanay gob iyo galool la soconnin, waxba ka garan maynno”. Imaka aragtidayda gaaban “Boob uu Maxamuud Xaashi ka maqan yahay, iga daaddegi maayo”.

 

Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranku waan xasuusinayaa inay dhammaystiraan wixii qabyo ka ah warbixintooda, ummaddana waxa aan u soo jeedinayaa in ay guddida ila xasuusiyaan ragga aynu tuhmaynno ee aanay diiraddoodu qaban. Miyaa ay soo wadeen tolow? Ilaahay ha ka abaal-mariyo haddii ay hormadii labaad oodda ka rogayaan, xaalna waan siinayaa haddii aan ka degdegay. Laakiin waxa laga yaabaaba in ay qoraalladan ka helaan raadraac u baahan baadhitaan. Haddii ay wax ka dheefaanna ka fiicanba.

 

Gaadiidkii Uu Bixiyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa intii uu xilkan hayay, waxa uu gaadiid ku dhaw siddeetan gaadhi ku wareejiyay siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka ka soo jeeda deegaankiisa, waxaana la sheegayaa in uu gaadiidkan ka soo qaaday Xaashi Motors oo uu leeyahay nin ay walaalo yihiin Wasiirka iyo Shaybe Motors oo ay leeyihiin qoys xigaal dhaw la ahaa madaxtooyada. Bulshada gobolka Sanaag oo qudha ayuu 26 gaadhi farta ka saaray. Waxa tilmaantan bixiyay bahda KULMIYE ee ay isku jufada yihiin Maxamuud Xaashi.

 

In kasta oo aan saxaafadda si rasmi ah loogu bandhigin, wararka aanu helnay ayaa xaqiijinaya in Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi uu xukuumadda cusub ku wareejiyay deyn (qaan) malaayiin doollar ah, oo uu sheegay in ay ka dhalatay gaadiidkaas tirada badan ee uu u qabiyay xigtadiisa. Deyntani waa mid ka badan hantida ay leeyihiin mulkiileyaasha labadaas macrad ee baabuurrada laga soo gurtay.

 

Siyaasiyiinta uu Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi guddoonsiiyay gaadiidka qaaliga ah waxa ka mid ah:

1.      Maxamuud Raage

2.      Ilhaan Maxamed Jaamac

3.      Ruush Carraale

4.      Ilhaan Maxamed Jaamac

 

Madax-dhaqameedka uu Wasiirkii Madaxtooyadu u hibeeyay baabuurta waxa ka mid ah:

1.      Faysal Abokor Xasan

2.      Odowaa Barre

3.      Cali Xirsi

4.      Xasan Yuusuf Maxamuud (Ina Warsangeli)

 

Musuq-maasuqa Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu soo taxnaa tan iyo jiidihii halganka. Ma ninka ay halgameyaashii SNM hore ugu caddeeyeen in uu jabhadda kala baxsaday qorigii loo dhiibay, ee kacaanka ka iibiyay ayaa ku hakanaya hanti iyo xoolo dadweyne.

 

Waa kii nin ku gabyay:

“Nin xammaal ahaan jiray hadduu, xoolo badan boobo

Xanaftiyo dhibtii gaadhay buu, dib u xasuustaaye”

 

La soco qaybta labaad idanka Eebbe

 

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso