Ciidanka Dab-demiska Magaalada Boorama oo damiyay Laba Buul oo ku Gubtay Degmada Sheekh Makaahiil.+ Gabadh Laga Soo Samatabixiyay Dabkaas.

 

Boorama (ToggaHerer) – 06/09/2018- Ciidanka Dab-demiska Magaalada Boorama ayaa Habeenimadii Xalay u baxay hawlgal dab kaasi oo ahaa laba Buul oo isku dhaw taasi oo labadaba uu qabsaday dab weyn, waxaana lagu soo wargeliyay masuuliyiinta Qolka Hogaaminta ee ciidanka Dab-demiska magaalada Boorama.

Dabkan ayaa ka dhacay Degmada Sheekh Makaahiil gaar ahaan xaafada Heye Yaabe ee Magaaladaasi boorama.

Ugu horayn ciidanka ayaa u baxay hawlgalkaas waxaana ciidanku damiyay dabkaas, sidoo kalena ka xakameeyay goobihii u dhawaa iyo guryihii ka ag dhawaa, dabkan ayaan geysan wax khasaare dhaawac iyo dhimasho ah, ilaa haddana lama garanayo sababta gubtay guryahaa.

Sidoo kale ciidanka Dabdemiska ayaa gurigaas ka soo badbaadiyay Gabadh ku Dhex jirtay, waxaana ciidanku ka soo samatabixiyay gabadhaasi oo aan wax dhaawaci soo gaadhin iyadoo badqabtana banaanka looga saaray dabkaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso