(Toggaherernews)-Ururweynaha Gaaroodi Ayaa Daboolka Ka Qaaday In Ay Caasimada Somaliland KaHirgalinayaan Isbitaal Lagu Dabiibi Doono Dadka Maskacda Ka Buka…

(Toggaherernews)-Ururweynaha Gaaroodi Ayaa Daboolka Ka Qaaday In Ay Caasimada Somaliland KaHirgalinayaan Isbitaal Lagu Dabiibi Doono Dadka Maskacda Ka Buka…

Kulan balaadhan Oohaween weynaha urur weynaha gaarodi ku mideysan aya la qaateen wasiirada wasaaradaha maaliyada ,waxbarshada iyo caafimaadka ayaa waxay kulankoodaasi haween weynahaasi ku so bandhigeen hindise iyo qorshe cusub oo ay wadaan isla markaasina damacsan yihiin in ay magaalada hargeysa ka hirgaliyaan cisbitaal cusub oo lagu dabiibi doono dadka madaxa ka jiran waxaanay warbixintooda haween weynahaasi gaaroodi ku xuseen in cusbitaalkaasi ay ku bixi doonto lacag gaadhaysa Halmilyan Oo Dollar.

Haween weynahaasi oo arrintaasi faahfaahinayaa ayaa hadaladoodii waxay u dhignaayeen sidan:

(Sidii aanu wasaaradayada caafimaadka isla barbar taagi lahayn iyadoodowladii horena kaga qaybqaadanay in aanu ka caawino qaybtaasi deegaankaasi sallexley oo aanu ka caawino oo aanu adeegaasi aanu bilowno u gogol dhigno oo u dadaalno oo si wanaagsan uga qaybgalno qaybtaasi caafimaadka oowadankaaanu wax badan ku soo kordhino oo magaalada waxaanu ka sameynay baadhitaan qof takhatusus ku ah xanuunkani maskaxda maantana wasaarada waxbarshada waxaanu uga baahan nahay in ay diyaariso oo ay nagala howlgasho dad sidii loodiyaarin lahaa dad dhakhtankana ka shaqeeya dadkan bukaan jiifkaahna wax u qabtoo meeshan waxa lagu baranaayo ee aanu dadka ugu talo galnayna in wasaaradaasi waxbarshadu naga caawiso waxbarashadii buugaagtii laybareeriga hagaajintiisii iyo wax soo dhigistiisii wixii wasaarada waxbarshada shaqo kaga leh in wasaarada waxbarshadu naga qaabisho wixii caafimaadka iyo meesha socodkeedii siday u socon lahayd anaguna waxaanu nahay dad muwaadiniin ah ooniyad wanaagsan uun lla soo kacay oo rabnain aanu ummadii wax la qabano laakiin dhaqtarkani waxa uu u baahan yahay  shuruuc dhista maaliyada ,caafimaadka ama waxbarshada ha noqotee .

Dhankoodana wasiirada wasaaradaha maaliyada ,waxbarsahada iyo caafimaadka ayaa arrintaasi si weyn ugu riyaaqay aadna u soo dhaweeyey iyagoo fartaku fiiqay cusbitaalkaasi baahida uu dalku u qabo,wasiirka wasaarada waxbarshada iyo sayniska yaasiin xaaji xiir faratoon ayaa ku laab xaadhay haween weynahaasi Gaaroodi hadal dhiirigalin ah ,waxaanu qurbo joogta uu ka dalbaday in ay dalkooda hooyo soo maalgashadaan gobolk kasta oo somaliland ah ha ka soo jeedeene,waxaanu wasiirku yidhi:

(waxaa run ahaantii iiga kiin muuqata qayb caafimaadka ka mid ah oo weyn marka aanan galin tii hore labo qaybood oo caafimaadka ka mid ah ayaad xooga saarteen cusbitaalka dhalaanka iyo hooyada iyo kan dadka madaxa ka jiranba waana labo qaybood ooaad iyo aad u muhim ah dhaqan ahaan iyo taariikhdeena inaka marka laga eego in aan baryihii hore ahmiyad weyn aan la siin jirin waliba qaybta dhimirku waa qayb wadankeena ay aad u dayacan tahay waxaan markaasi ku boorinayaa dadka qurbo joogta ah ee deegaanada kala duwan ee somaliland ka soo jeeda in ay sida hablahaasi ufikirayaan iyo fikirada waxtarka ahba in ay isku geeyaan inta ay ku mashquulsan yihiin siyaasad iyo wax kalebaiyaga qol yahan qurbe joogta ah xil badani kama saarna siyaasada dalka iyo waxa halkani ka socda waxaa xil ka saaran yahay waxtar .

Gabagabadina wasiirka wasaarada hormarinta maaliyada yuusuf maxamed cabdi ayaa haween weynahaasi gaaroodi qalbiga ugu dhayey hadal qiimo badan iyo dardaaranba waxaani hadalkiisa wasiirkaasi ku bilaabay:

(Waxaan ad iyo aad ugu mahadnaqayaa hablaha walaalaha ah ee gaaroodi ee sameeyey cusbitaal maanta jiraoo shaqeeya oo dadkajamhuuriyada somaliland ka mid ah lagu daweynaayo sidoo kalen maanta ku foogan qorshihii oo qorsheeyey isla qaatay  cusbitaal weyn oo ah mid dhameystiran oo khuseeya arrimaha dhinaca dhimirka).

Diyaarinta-Mr(Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso