Xukuumadda oo Shaacisay In Puntland Cidhib Xumo kala Kulmi Doonto Dagaal ay ku soo Qaado Somaliland

Xukuumadda oo Shaacisay In Puntland Cidhib Xumo kala Kulmi Doonto Dagaal ay ku soo Qaado Somaliland

Hargeysa(Togaherer)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ku habboon ka bixisay dagaalka ay Puntland iclaamisay, waxaanay sheegtay in Puntland faro-gubasho kala kulmi doonto ciidammada qaranka ee difaaca kaga jira soohdimaha JSL.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaallada wararka  Somaliland ee SOLNA, waxaanu war-murtiyeedkaasi u qornaa sidan:-

“Waxa maalintii shalay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Baraha-bulshada haysatay warar ka soo baxay maamulka Puntland ee Soomaaliya kaasi oo nuxurkiisu ahaa dagaal lagu soo qaado Jamuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxay aqbashay dhammaan go’aamadii urur-goboleedka IGAD,Xafiiska wakiilka UNta u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia kuwaasi oo ahaa in shacabka walaalaha ah ay isku gudbi karaan, in hay’adaha gar-gaarka deg degu ay ka shaqayn karaan goobahaasi colaadu ka jirtay iyo in Ciidammada la kala qaado balse dhammaan arrimahaasi waxa jabiyey Maamulka Puntland ee uu masuulka ka yahay Cabdiweli Gaas.

Madaxda muddo kordhiska raba waxay maalin kasta Warbaahinta lasoo fadhiyaan kala fogaynta shacabka iyo waliba sidii ay fad-qalalo uga ridi lahayeen deegaannada nabadda iyo horumarku ka jiro ee ka badbaaday maleeshiyadaas, Ciidanka Somaliland wali may gaadhin xuduuda rasmiga ah ee aanu leenahay taasi oo ah kambalka Caasimada maamulkaasi balse waxaanu tix galinaynaa oo dhawraynaa Shacabka deegaanadaasi oo aanu barakac u diidayno iyo si aysan cabsi badan uga dareemin ciidammadaas dushooda yimid Tukaraqna waa deegaan Somaliland ka tirsan.

Dawladda Somaliland waxa ka go’an Nabad ku wada noolaanshaha waddamada jaarka ah balse ma aqbalayso cid kasta oo xuduudaheeda ku soo xad-gudubta, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Ciidammada Qaranka,  waxa ka go’an in ay sugaan  xuduudaha kala duwan ee dalka, waxaana digniin u diraynaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo aanu leenahay nabad kuwada noolaanshaha mandaqada waanu tixgalinaynaa haddiise aad tix galin waydaan waxaad la kulmi doontaan wixii aad hore ciidan ka xoogga badan ee qaranka   Somaliland kala ku kulantaan.

Gaba-gabadii waxaanu fariin adag u diraynaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo aanu leenahay haddii aad tix galin waydaan wada noolaanshaha iyo daris wanaagga waxaad mutaysan doontaan casharo badan oo dhaxal gal idiin noqda, Beesha Caalamka,urur-goboleedka IGAD iyo Xafiiska wakiilka UNta u qaabil san Somaliland Iyo Somalia waxaanu leenahay cidna ka aqbali mayno in ay ku soo xad-gudubto xuduudahayga.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso