Reer Burco Oo Khaati Ka raagan Indho-sarcaad lagu sixrayo Maxasta & xarumo la  Sheegay Inay u furan yihiin sixirooleyasha

“Dilku laba nooc ayuu u dhacaa, mid waxa la yidhaahdaa Eebo, midna Asmaa, Haddaba Ka Dambe   ayaa maanta  ka taagan Burco”

“Haddaanu nahay  reer Burco waxa la nagu madhiyey Sixir Qofka Maskaxdiisa lagu Qalin-shubataysanayo”

Reer Burco Oo Khaati Ka raagan Indho-sarcaad lagu sixrayo Maxasta & xarumo la  Sheegay Inay u furan yihiin sixirooleyasha

Burco,  (Togaherer) – Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxa soo food-saartay cabsi xoog leh, ka dib markii Magaaladaasi ay ku soo bateen Dad lagu sheegay Sixirooleyaal, kuwaasi oo siyaalo halis ah ugu adeegsanaya Bulshada, gaar ahaan Dadka Ganacsatada ah ee Meheradaha haysta si ay Maalkooda uga qaataan.

Warka ku saabsan Sixirooleyaasha ayaa aad u soo shaac-baxay, ka dib markii ay gubteen Guryo la garan waayay Cidda gubtay isla-markaana Dadka qaarkood Cid aanay ehel ahayn ay ku qabsatay Dhaxalkoodii, halka rag badana la sheegay inay is-dileen markii la sixray.

Dhacdooyinka noocan ah oo aan illaa hadda aanay jirin cid loo qabtay, ayaa waxa Shalay ka hadlay Qaar ka mid ah Dadweynaha Magaalada Burco, kuwaasi oo qaarkood ay is-dileen Rag ay ehel ahaayeen.

Bashiir Maxamed Nuux oo ka mid ah Dadka reer Burco ee dhibaatadu ka soo gaadhay Sixirka la isku adeegsanayo oo ka mid ahaa Dadweyne Shalay arrintan u soo bandhigay Saxaafadda, ayaa sheegay in Rag badan ay is dileen markii la sixray, waxaanu yidhi “Burco waxa ka taagan Dil, Dilku laba nooc ayuu u dhacaa, mid waxa la yidhaahdaa Eebo, midna Asmaa, mid Asmaada lagu dagaalamayo ayaa ka taagan Burco, Qofka maskaxdiisa la kasbayo, lagu shaqaysanayo oo la leeyahay ‘Wallaahi inaan sida Illaahay Dadka u leeyahay kuu yeelan’ waxaana la leeyahay Dadka waxaa samaynaya Madarasado ayaa Burco dhexdeeda uga furan.”

Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Shilkii u dambeeyay wuxuu ku dhacay Aniga oo ah Bashiir Maxamed Nuux, Walaalkay Xuseen Maxamed Nuux hanta dhaxal ah oo aanu ku lahayn 10 Walaalo ah oo aanu ku qiyaasayno dhowr boqol oo kun oo dollar ayaa hadda naga maqan, intii dambana waxa xisaab ba noo diiday nin Xanuunsanaya oo Maskaxdiisii la kasbay, wixii Caddaymo ahna dib ayaanu ka sheegaynaaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Rag badan baa jiray oo ka horreeyay Xuseen Maxamed Nuux oo is-deldelay, Rag badan baa jira Guryahoodii dab uun lagu shidayo oo ka gubanayo, waxa waxaa wadaana waa wax aan Diinta Islaamka haysan, markaa Maamulka Dawladda oo Madaxweynuhu ugu horreeyo waxaan leeyahay ama Dalkii Diinta ha lagu soo celiyo oo Dadkan waxan wada waalla helayaaye hala baadho, ama Dadku Diin la’aanta ha u wada baxo oo Cilmigan hala isku barto.”

Mid ka mid ah Dadka Waayeelka ah ee ku nool Magaalada Burco, oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Waxa nagu dhacay laba Dil oo Dadka (Sixirooleyaasha ahi) noo geysteen, Waa dad sirxaya Dadka oo Maalkooda shubanaya, Waa dad inta ay Qofka diiqad geliyaan ku odhanaya ‘waxaa haddaanad soo shubin nafta ayaanu kaa qabanaynaa’. Marxuum la odhan jiray Xuseen Maxamed Nuux ayay ku isticmaaleen Jinkaa la adeegsanayo waanu u dhintay, 13 sanadood oo uu haystay Meherad Albeerko ah intaa lacagta way ka gurayeen..”

Dadweynuhu waxay baaq u direen Xukuumadad Somaliland, waxayna ka codsadeen inay si deg-deg ah wax uga qabato dhibaatada Sixirooleyaashu ku hayaan Dadweynaha ku nool Magaalada Burco “Haddii aanu nahay Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco, waxaan farriin u dirayaa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Ciidammada Nabadgalyada, waxaan leeyahay beryahan dambe waxa na degay waxaan dhaqan loo lahayn oo Dadka reer Somaliland aanay aqoonin, hase-yeeshee Dadkii dhaqanka yaqaanay noola yimaaddeen oo ay Dadkayagiina isku bareen, inta ku shaqaysanaysaana waa inta aan Diinta iyo Islaamnimada ka fog. Haddaanu nahay Bulshadii reer Burco waxa la nagu madhiyey Sixir Qofka Maskaxdiisa lagu qabsanayo oo lagu Qalin-shubataysanayo, oo naftiisa iyo Maalkiisaba lagu qaatay.”ayuu yidhi.

Laamaha Amaanka ee Gobolka Togdheer weli kama hadal dhibaatada la sheegay in Sixiroolayaashu ku hayaan Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco.

Advertisement

Ku Xayeysiiso