Fidmada uu Cabdi-weli Gaas Wado Fara-gubasho Mooyee Faa’iido Kama Helo”-W/Q: Cumar M. faarax

Fidmada uu Cabdi-weli Gaas Wado Fara-gubasho Mooyee Faa’iido Kama Helo

By: Cumar Maxamed Faarax

Sidii hore looga bartay  Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay  ku  duullayaan  Jamhuuriyadda Somaliland, waxase aan su’aali ka taagnayn inay dambarsan doonaan durbaannada colaadeed ee ay joogtada u garaacayeen  siddeedii  bilood ee la soo dhaafay , mana mahadin   doonaan  guluf kasta oo ay ku soo qaadaan ciidammada qaranka ee  dhufayska adag kaga jira deegaannada Tukaraq  ee gobolka Sool iyo soohdimaha mucayinka ah ee Somaliland oo dhan.

Wasiirrada  Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) iyo Cabdilaahi Cali Timacadde, ayaa Axaddii maanta warbaahinta la soo fadhiistay hanjabaad ay ka muuqatay   quus iyo qarracan siyaasadeed, iyagoo   ku muusanaabay  in “dagaal lama huraan u yahay” inta Somaliland ku noqonayso deegaanka Oog, taasi oo ah riyo maalmeed aan u rumoobi karin!

Jamhuuriyadda Somaliland  waxay  hadda iyo horeba  u caddaysay inay mudnaanta kowaad siinayso inay nabad iyo iskaashi  kula naalooto jaarkeeda, hase ahaatee aanay ka baaqsanaynin inay ciiddeeda ka hirto cid kasta oo ku soo xadgudbta.

Waxa nasiib wanaag ah in dalalka mandaqadda ay marag ka yihiin dagaalka ay sarajoogga ku shaaciyeen  Maamulka Cabdiweli Gaas  oo  dhabarka u jeediyey isku-day qarammada midoobay ku dhacsiinayeen in xiisadda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexaysa lagu furdaamiyo hannaan nabadeed oo   wadahadal ku dhisan, taasi oo ay Somaliland dhinaceeda  si buuxda u aqbashay  ergadaas caalamiga ah.

Dagaalka Somaliland iyo  Puntland:

Waxa hore loogu soo joogay in  muddadii u dhexaysay Bilihii December iyo January ee la soo dhaafay  maaleeshiyaadka Garoowe ay Somaliland ku soo xadgudbeen  in ka badan labaatan jeer, waxase ay Somaliland xeerinaysay nabad jacaylka ay ku soo caano-maashay, balse waxay weerarkii u dambeeyey ee fool ka fool ah ku soo qaadeen ciidammada Somaliland 24kii Bishii May 2018, oo ay  kala kulmeen farogubasho ay ka naasnaasiyeen, iyadoo si weyn adhaxda looga kala  ridday taliskoodii, waxaanu fadalkii ciidankoodu afka saaray  duleedka Garoowe.

Saddex  illaa afar  jeer oo ay Somaliland iyo Puntland is haleeleen taariikhda  kuma jirto dharaar maleeshiyada Garoowe ay guul kala hoyatay furimahaas.

Cabdiweli muxuu  ka Taransanayaa dagaalka:

Waxa dadka siyaasadda la socda ee  reer Puntland  ay aaminsan yihiin in maamulkoodu  saqiiray  amni iyo cuddudba muddadii uu hoggaaminayey  Mr. Gaas  oo  dagaalka Tukaraq ka dhigtay  qorshaha kaliya ee  cimri dherer u noqon kara, markii baarlamaanka maamulkaasi ay dhowaan bayaamiyeen in 8-da bisha March ee kal-dambe ay qabsoomi doonto doorashadii madaxtinimada maamulkaasi, ayuu  Cabdiweli ka qarmi waayey  in  jidka uu miciinsan karaa yahay dagaal uu la galo Somaliland.

 Somaliland Maxaa u furan:

Soomaalidu waxay maahmaahdaa  “Ninkii soo joog laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa.”, Diblomaasiyan  dawladda Somaliland way ka guulaysatay maamulka Soomaaliya, maadaama ay  aqbashay ergadii caalamka ee waanwaanta waday, waxaana la gudboon inay dhufayska adkaystaan si ay dacar u leefsiiyaan maamulka Garoowe oo ee colaada ula soo bu’aya, waxaanu madaxweyne Muuse Biixi uu ciyaaray xeelad diblomaasiyadeed oo ay ka muuqato waayo-aragnimada uu dheer yahay  madaxda Soomaaliya oo siyaasadda ku ah layli aan gaadiidin.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gabogabaynayaa C/Weli Fidmaduu wado faro-gubasho mooyee faa’iido kama helo.

Waxa qoray Cumar Maxamed Faarax

Advertisement

Ku Xayeysiiso