Xukuumadaa Waanu Ku Garab Taagan Nahay Arrinta Tuka Raq-Xil Cabdiqaadir jirde

(Toggoherernews)-Xukuumadaa Waanu Ku Garab Taagan Nahay Arrinta Tuka Raq-Xil Cabdiqaadir jirde

Cabdiqaadir jirde oo ah gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbigaasi wadani ayaa daboolka ka fayday in doorashooyinka soo socda uu xisbigaasi taageero buuxda ka heli doono shacabka ,cabdiqadir jirde oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Anagu waxaanu aaminsanahay rajada kaliya ay maanta somaliland leedaay waxaa xisbigan wadani waana xaqiiqa oo dadkoo dhan ayaa og xisbigii talada dalka gacanta ku qabtay dee waad arkaysaan halka uu taladii dalkala maray iyo in marba gidaar laga soo ga-aayo iyo in uu marba wax aan la dhammeystiri kareyn uu isku qaadaayo markaasi xisbigani ma aha mid intaasi ku khalkhalaaya ma aha waana xisbiga kaliya ee anu ku aragno rajada kailya ee dalku leeyahay waxaanan ku rajo weynahay in doorashooyinka kale uu xisbiganu uu ku guulaysan karo.

Maalintii dhawayd way noo yimaadeen waftigii ka socday IGadh iyo AU-dawaanay nala kulmeen sidaa ay xukuumadaba ay ula kulmeen waxaanu u sheegnay waxaa jira dowlado caalamiya cid kaligeed xuduud badali kartaa ma jiri karto oo aduunka kama dhacdo dal yidhaahda ama ummad tidhaahda waanu dorkinoo halkaasi ayaanu gaadhsiinay taasi meelna kama shaqayso cidda kaliya ee ay u shaqaysay waa Ruushka Oo kareemiya qabsaday putlandna waxaan filayaa in aanay ruush ahayn taasi waftiga waanu u sheegnay haddii aanu nahay somaliland asxaabta xukuumada iyo shacabkuba waxay ku baaqeen in arrintaasi nabad lagu soo dhameeyo dhinacii kale wali lagama hayo ayaanu ku nidhi nimankan aad leedihiin la hadla waa nimanka taagan dagaalku waa jihaad ee masaajidada ka hadlaaya  waxaanu nidhi waar intaan aanad dhexdhexaadin waar afka badala oo nin nbad doonaya oo dhexdhexaadnimo doonaya dee ma hanjabao nin kuu soo hanjabayana cid hor fadhiisanaysaa oo tukaraq iyowax kale kala hadlaysaa ma jirto markaasi sidaasi ayaanu ka xisbi ahaan u sheegnay in mowqifka xukuumada aanu ku dabot aagan nahayiyo shacabkaba tukaraqna waa dhulkeenii somaliland xuduudkuna waa naga shisheeyaa waxaa noo qoran oo naga go-an in aanu xuduudka gaadhno laakiinse waxaanu doonaynaa sifo silmi ah oo dagan oo walaaltinimo ah oo anaga iyo dadkii deegaanka daganaa ee ilaahay ku aburay ee iska daganaa anagoo wada socona in aanu xuduudka gaadhno .

Gabogabadiina xildhibaan cabdiqaadir jirde xaaji ismaaciil oo ah gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga wadani waxa uu hambalyo balaadhan u diiray shacbi weynaha somaliland gudo iyo dibadba munaasibada ciidodxada aawadeed).

Advertisement

Ku Xayeysiiso