Shirkada Dahab-shiil oo Siyaasada S/Land awooda ay ku leedahay muujisay

Shirkada Dahab-shiil oo Siyaasada S/Land awooda ay ku leedahay muujisay oo
                                         Muusana dhaqaale badan ku bixisey si ay kursiga u saari lahayd, Imikana amarkeedu
                                        Baarlamaankii S/Land uu ka shaqaynayo, oo Naasir Cali uu Gudoomiye ku bedeley
                                       amar D/Shiil bixiyey oo ah sidey Musuqa noogu sheegaa Xildhbaanku.
Shirkada Dahabshiil intii Siilaanyo xilka hayey Reernimo ayuu qandaraasyo & Dhaqaale badan oo Cashuurtii Umada
ku naas nuujiyey, oo anti ar badan oo umadeed oo dhismayaal Dhul dan guud ah uu Siilaanyo si cadaana oon gabasho
lahayn u siiyey D/Shiil, oo Liinkii Booliiska & Meelo badan oo Dad Shacabi leeyihiin.
Hadaba, Siilaanyo xaraashe oo ehelkiisa & shirkadaha Reerkooda oo D/Shiil ka mid yahay, Indha -Deero, Xarbi & qaar
badan oo Umadu og tahay & Wasiiro Xidid & xigtaba leh aanu Siilaanyo ka xishoon oo aduun & Aakhiraba Ilaahay kala
xisaab tami doono, ayuu kolkuu maqlay gudidii Musuq maasuqa ayaa wax yar iftiimisey Siilaanyo ma xishoode luxudka
la soo kacay, oo Diyaarad degdeg Dubai uga soo raacay.
Bal Hadaba, Baarlamaanka oo awalba xaaraan quutayaal, Mooshin Quutayaal, oon xalaashaba aqoonin, oo xaaraan
ku cesha, Laaluush ku ansixiya, oo wixii raaci, & feedha & dagaal loogu codeeyey, ee Xaqul-qalin ay qaateen ahayd ay
isku khilaafeen, dabagalka inagana wey ina soo geli, Baashe Maxamed oo ah gudoomiyaha feedhkii & agabkii loogu
tuurey xaaraan & xaqul-qalin, uu imika uu Gudoomiye yahay waa Nin caadadi ma baajo bahalna qaydhin ma daayo
uu D/Shiil laaluushkii & Xaaraantii uu hidaha u lahaa ka qaatey, oo arin Sharci oo Baarlamaan uu isla soo taagey Raali Geliun
ayaan ka bixinayaa, kolkii dambana Indha la,aan uu ku andacoodey Xilkii waan ka wareejiyey Naasir Cali shire.
Siilaanyo & Xukuumadiisii & Kulmiye waxay kaga dareen, Xaaraanta ay qaateen xishood la,aanta & Aduun & aakhiro si aanay
Cabsi Ilaahay & Cawaaqib xumo dambe Ubadkooda, Naftooda & Mustaqbalkooda aanay uugu xisaabtamin.
Baashe Maxamed Faarxa ceebtii Feedhkii dhulka loogu tuurey ee uu xaaraanta uu cabaadayey loogu gagabiyey, cashar uumey
noqon, imika oo uu Kursigii ku fadhiyo ayuu Xaaraantii & Laaluushkii D/Shiil siiyey uu si cadaana isula soo taagey Raali Geliun
& Xilka qaadis waa mid subxaanalaa.
Baashaw Feedhkiina Cashar makuu noqon waayey, oo Weli Indha adaygii & xaaraantii & xaqdaradii aad ku sii cadahay.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl

Advertisement

Ku Xayeysiiso