Xil-cabdiqaadir Jaamac Xaamud Ayaa Hadda La Saftay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ,Kana Soo Horjeestay Xil Naasir Cali Shire Oo Ay Isku Gudi Ahaayeen…

(Toggaherernews)-Xil-cabdiqaadir Jaamac Xaamud Ayaa Hadda La Saftay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ,Kana Soo Horjeestay Xil Naasir Cali Shire Oo Ay Isku Gudi Ahaayeen…

Xil cabdiqaadir jaamac xaamud oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka ee golahaasi wakiilada ayaa gudoomiye baashe ku taagaeeray raaligalintii uu siiyey shirkada dahabshiil Group, xildhibaanka oo arrintaaka haylaaya ayaa adalkiisa sidan ku bilaabay:

(Runtii dhib ma aha oo xilku waa meerto oo hadba qof ayaa lagu tijaabinayaa runtii arrimuhuna waxay ka bilaabmeen barnaamijkii soo taxnaa oo ay guddidayadu gashay hadana uu shirgudoonka goluhu falanqeeyey qiimeeyeyna anagana nala tashaday ka guddi ahaan oo qayb xubnahayaga hoos noola tashaday anaguna waanu ku qanacnay oo uu natusay waraaqihii cadeynta ahaa halkaasi ayey ka dhalatay oo naasir ka dabohadlay taasina ayaa keentay in gudoomiyihii oo hadlay  laga dabo hadlo halkaasi ayuu ka dhacay xil ka qaadistu.

markii horena warbixinta waanu ku wado soconay oo waa dhab laakiinse qofka muwaadinka ahi marka uu soo cowdo oo cadeyn dhab ah uu kuulayimaado oo madax meel ka sareeyaa oo la taabtaa ma jiree uu shir gudoonkii qiimeeyo oo aanu anagiina la eegnay oo aanu ku qanacnay dee sababtaasi ayaaba keentay in qofkii bani-aadamka ahaa la qanciyo isaga dalabkiisa la qiimeeyokhaladna waa dhici karaa).

Advertisement

Ku Xayeysiiso