Mas’uul Dawladdii Siilaanyo Wasiir Ka Ahaa  Oo Sax Ku Tilmaamay Tallaabadii Uu Madaxweynuhu  Kusoo Xero-galiyey Adeegyadii  Ay  Bixisay Xukuumaddii Uu  Ka Tirsanaa

“Cida [Musuqa Loo Haystaa] waa Wasiirro Gaar Ah Oo ka mid ahaa Golihii  Wasiirradayada, aniguna Arrin Aan Wax Ka Ogahay Ma Jiro”

Hargeysa (Togaherer) – Wasiirkii hore ee  Wasaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, ayaa ka hadlay aragtidiisa masuuliyadda ay leedahay ilaalinta hantida umadda. Wasiirkii hore ee  Wasaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani,  ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan  Haamaha shidaalka iyo amaanka Madaarka Hargeysa ee uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey gacanta Dawladda iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Haamaha Shidaalka“Runta marka loo wada hadlo waxaan u arkaa inay arin saxa ah ay tahay in Haamaha Shidaalka Dawladdu la wareegto, inkasta oo aynu islahayn kordhiya baayac mushtarka, ayaa haddana Shirkadii lagu wareejiyey Haamaha waxay keeneen shidaal xun, waliba inagoo dagaal ku jirna, Shidaalka iyo Haamaheena aynu gaarka u leenahay,  waxay ka mid yahay amaanka dalka, waana muhiim in mar walba Dawladdu Haamaha Shidaalka gacanta ku hayso, oo aynu leenahay Shidaal kayd ah, oo haddii ay maanta wax inagu yimaadaan oo ay Dawladdu gacanta ku hayso Haamaha, loogu talago qaranka difaaciisa, iyo wixii si kadis iyo deg deg ah ku iymaada in loo helo Shidaal gaar ah, markaas aad iyo aad bay u fiican tahay in Dawladdu gacanta ku hayso Shidaalka”.

 

Caddani mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko amaanka Madaarka ee laga wareejiyey Shidaalkii gacanta ku haysay ayaa yidhi “Runtii amaanka Madaarka nimankaasi si fican bay u wadeen, laakiin wax dhib ah uma arko haddii ay Dawladdu tidhaahdo anaga ayaa gacanta ku hayna, oo amaanka Madaarka sugayna, Shirkaadaas gacanta ku haysay waxay runtii ahayd Shirkad qiimo badan, balse go’aanku Madaxweynaha ayuu ka go’aa, mar haddii uu Madaxweynuhu go’aankaas soo saarayna, in lagu raacuun weeyaan,madaama uu yahay Madaxweynihii Qaranka Somaliland”.

Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko eedda musuq-maasuq ee lagu soo eeddayey Wasiiro ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Wax walba waxay ku xidhan yihin caddayn in la sameeyo, ciddii raad soo galay ee lagu eeddaynayo, waxa laga hadlayaa waa Wasiiro ka mid ah Wasiiradayadii, gaar ahaan qolo ka mid ah Wasiiradayadii, cida ku soo oogtay musuqa ayaa la rabaa inay caddayaan,   waxa lagu soo oogay, haddii ay caddayn waayaan waxay noqonaysaa niman niman iska eryanaya, oo magacii, maamuskii iyo sharaftii uu Wasiirku lahaa meel kaga dhacaya, hadal la iska yidhaahdo dhaqankeenu uu leeyahay oo uu jiraa, laakiin akhirka odhan maysid hebel baa wax xaday, oo sidaas ayaan u malaynayaa, ee waxa laga rabaa inaad wax walba caddaysid, xaqiiqooyinka jirana aad soo bandhigto, oo aad tidhaahdo sidaas iyo sidaas ayey ku cad, Ragga Wasiiradda ahaa  ee musuqa loo haysto inay magacooda iyo sharaftooda difaacan ayaa laga rabaa,Ragga soo eeddayeyna caddaymo rasmiya inay soo bandhigaan ayaa laga rabaa, anigu arin aan wax ka ogahay oo aan odhan karo wey jirtaa ama ma jirto midna maaha,ta kale Guddidan Xildhibaanada ah ee wax baadhayey, waxay ahayd in marka hore cidda ay eedda u soo jeediyeen inay la kulmaan, oo ay su’aalo weydiiyaan, oo ay hor dhigaan waxay ahaayaan, oo ay weydiiyaan waxa ka jira, laakiin ninkii dalkan wax ka xaday, oo hamtida umadda lunsaday oo caddaymo muujinaya musuqiisa si cad loo soo bamdhigo waa in laga jaraa, oo lala xisaabtamana, sharcigana la hor keenaa”.

 

Mar uu ka hadlayey Wasiirkii Warfaafinta ee uu Wasiirka ka ahaa ayaa yidhi “Waajibaadkii Qaran ee la ii igmaday ayaan anigu sameeyey, Xoolaha Qaranka ee Somaliland ee aan hayeyna, anigu maan lahayn ee umadda ayaa lahayd, umaddaas waxa ku jira Agoon, Dad waaweyn, dad xanuunsanaya oo sariiro jiifa, waxa jira dadkii waalna, waxa ku jira dadkii naafada ahaa, waxa ku jiraa dadkii dalkan u soo dagaalamay,waxaana wanaagsan in masuulka xil loo magacaaba inuu ka fikiro in aanu xoolaha lahayn ee uu dadkaas ka fikiro, hantida umadda eek u soo galana inaad iyaga u hayso ayaa muhiim ah, marka aad Wasaarad joogto, ama Hay’ad joogto ama Madaxweyne tahay waxa laga rabaa inaad umadda u cadaalad sameeyso, cadaaladaasina ay tahay mid aan ku saleeysanay reer, qabiil iyo wax la mid ah, ee ay ku saleeysan tahay shaqaalaha kula jooga iyo umaddaba sidii aad ugu xaqsoori lahayd, cadaaladna ugu sameeyn lahayd, aniguna labadii qof ee meel ka wada shaqeeynayey, oo aan waxba is dhaamin oo kala mushahar ah, ayaan siimay, kuwii aan lacagta qaadan jirina lacagtii ay xaqa u lahayeen ayaan u sameeyey, wixii meesha la iigu dhiibayna waxay ahayd in aan cadaaladna sameeyo, in xoolaha umadda wixii aan hayna in aan u ilaaliyo, markaas alxamdulilaah ILLAAHAY uu nagu asturay, maalina damac igamuu galin xoolaha umadda ee aan hayey, ILLAAHAYNA imuu badin, nin shaqeeystanayna waan ahay, xaaranteeda iyo fool xumadeedana maan doonayn, ninkii hantida umadda wax kaga baydheena if iyo akhiraba ku liibani maayo, waayo lacagta waxaa iska leh umadda oo agoon, danyar iyo naafaba ku jiraan,  masuul kasta oo xil qaran hayana waxa looga baahan yahay inuu hantida umadda ilaaliyo, cadaalada iyo sinaantana ka tagin”

 Xigasho: Cadadkii Maanta Axadii Ee wargeyska Geeska Afrika oo Hargeysa Kasoo Baxa

Advertisement

Ku Xayeysiiso