AQoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale Ayaa Si Kulul U Naqdiyey Khilaafka Ka Soo Cusboonaaday Golahaasi Wakiilada..

(TOggaherernews)-AQoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale Ayaa Si Kulul U Naqdiyey Khilaafka Ka Soo Cusboonaaday Golahaasi Wakiilada Somaliland ….

AQoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale ayaa si kulul u naqdyey khilaafka ka soo dhex cusboonaaday shirgudoonka golaha wakiilada iyo mudanayasha guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka somaliland ,Boobe oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Waxaynu arkaynaa Golihi Wakiilada Somaliland oo mudo ku dhow shan iyo toban sanadood laga soo bilabo labadii kun iyo shanti laga soo bilaabo ilaa maanta fadhiya oo isku haysta guddi baadhineed oo iyagu ay leeyihiin oo golahaasi wakiiladu ay saareen warbixin ay soo saartay aqliga fayoobi waxa uu ina siinayaa marka gudi la saaray ee ay warbixin soo saartay ee uu gole dirto in ay guddidaasi warbixinteeda golahaasi u keento oo golahasi ama ogolaado ama diido in ay dibada u soo baxdo waxaana la yaabka lihi waxaa weeyi warbixintii oo waxa ay doontaba ha ahaatee soo baxdayooshirgudoonkii golaha wakiiladu soo fadhiisanaayo oo dabadeed uu odhanaayo warbixintaasi waxaasi iyo waxaa ayey ku khaldanayd oo waa laga soo dacwoodo shirgudoonkii maxkamadii uu noqonaayo aniguan ma garanaayo xeer hoosaadka golaha wakiilada oo Dustuurka waan aqaanaayoo kuma jirto xaal marin laakiinse ma aqaano xeer hoosaadka golaha wakiilada oo uu gudoomiyuhu uu leeyahay xaalmarin ayaan ka bixinayaa dee in uu xeer u cuskanaayo iyo in ay iska tahay wax kale,marka aad taariikhda aad dib ugu noqoto golaha wakiilada iyo wixii uu soo maray maynaan arkin gudi baadhineed iyo dabogal oo warbixin inoo soo saarta waxaa ilaa imika ay ummadu la yaaban tahay guddidan dabogalku waxay dabo socotaa waa xisaab xidhadii 2016kii muxuu kaga duwanaa kii labada kun iyo toddoba iyotobankiiwuxuu kaga duwanaashan iyo tobankii muxuu kaga duwanaa afar iyo tobankii dadkuna way iska aqbaleen oo waxay  sugayeen inta labadalaayo laakiinsee xeer iyo xaaraan waxa uu ku fadhiyaa ma jirto qofkuna marbuu xilkas yahay marar kale ayuu xil kar noqdaa marar kalena xil kad ayuu noqdaa dadkuna marbuu xildhibaan yahay mar kale ayuu xil madhaab yahay oo aanu xilba qaadi karin golaheenan wakiilada ee iska joog sii joog ee aan diyaar u ahayn ee aan marnaba ummada soo hor fadhiisan ee aan ku odhanin xaalbaanu ka bixinay mudadaasi dheer ee aanu joognay imiakana waxay ina leeyihiin guddiida baadhistu waxay dabogashay miisaanidayii 2016kii miyaanay ka habooneyn in guddida baadhistu dabogasho waqtigan ay ka cuntay ummadda ee sanado leh ee saacado leh oo bilo leh hantidan miyaanay dabogaleyn xaalada aad maraysaan iyoishaysiga maanta taagani ma aha isqabsi anagu uma aragnee waxaanu u aragnaa qaran dumin waana hay-adihii ugu sareeyey ee ay ummadani lahayd ummadani halkaniiskamay soo gaadhine tacab iyo dhiig bax ayey ku soo gaadhay gudidii dabogalku waxay ina odhanaysaa waxaanu soo xisaabinany roogagiila dhigaayey garoonka boorabe iyo jeelkii burco waxyaabo caynkaasi la mid ah marka la isku geeyo labo boqol oo kun oo dollar ma aha ummadana waxaa maqan dhulkeediiiyo daaraheedii oo ahntideedii ayaa maqan oo xafiisyadeedii iyo xarumaheedii ayaa laga dhigtay dabino lagu shaqaysto oo ay rag ku xoogsadaan oo ay ku xooleystaan oo ay ku dhaafaan dadka kale waxaana kula talin lahaa golahawakiilada somaliland oo aan u soo jeedin lahaa in ay wax kale iska xidhaan sidiimeeshan ay uga tabaabushaysan lahaayeen in ay dardaarankii xaajiyo shamis abokor ismaaciil guduudo carwo halhysskeedii ay qaataan waxanay gududu hal hays u lahayd afkaailaahay ayaa jeecay oo waxa uu cunaayo isagaa yaqaana xanuunkaasina ilaahay ayaa keenoo isagay jirtaa sida uu odhanaayo haddiiaynu qaraamigiiaynu noqono waar suuqa waanu joognaa oo baqti maysaan ee iska soo baxa).

Diyaarinta-Caydaruus Cismaan-(Mr AYuubi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso