-Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada  Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Naqdiyey Horumarka Qaranka Somaliland Ku Talaabsanaayo Iyo Sida Uu Beesha Caalamka Ula Mucaamiloodo..

(Toggaheernews)-Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada  Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Naqdiyey Horumarka Qaranka Somaliland Ku Talaabsanaayo Iyo Sida Uu Beesha Caalamka Ula Mucaamiloodo..

Wasiir M.Miixi  Oo Wareysi siinaayey tevesion koonfur africa oo magaciisi yahay APRO Ayaa naqdiyey horumarka somaliland ku talaabsanayso iyo sida beesha caalamkana ula mucaamilooto,sualihii somaliland laga weydiinaayey waxaa ka mid ahaa :Maxaad ka ogtahay in beesha caalamku aqoonasto dowlada isked isku taagtay geeska africa iyadoo aynu ognahay in ay leedahay calan gaar ah ,lacag ugaar ah ,Baarlamaan iyo astaan qaranba,halkee ayey dhibaatadu ka taagan tahay?

( Somaliland waa dowlad aan wali la aqoonsan oo madaxbanaaneyd toddoba iyo labaatankii sanadood ee laga soo gudbay waxaanan la ganacsanaa dunida inteeda kale somalilan waxay buuxisay shuruudaha looga baahan yahay waxaanay leedahay shacbi weyne ,lacag u gaar ah waana dal ay ka jirto degenaansho xasilooni iyo dimuqraadiyad sanadkii hore waxaanu doranay madaxweynihii shanaad haddii la eego dhinacyada xasiloonida ,nabadgalyada iyo haddii ay noqoto xidhidha caalamkaba shuruudahaasi oo aanu buuxinay laakiin arrinta wali noo dhimanin aanu dunida aanu ku qancino in somaliland ay u qalanto aqoonsiga caalamiga ah somalilandna waxay u qalantaa tayadii ay kaga qaybgali lahayd qaramada midoobay iyo midowga afrikaba waxaanan filayaaindowlada somaliland ay si xoog leh uga shaqaysay inwado hadalo ay la yeelato somalia taasi oo keeni karta in somalia aanu si caadi ah u kala tagno sababtoo ah somaliland waxay fulisay shuruudihii looga baahnaa ,sidaasi ayuu xusay maxamed biixiyonis oo imika ku sugan wadankaasi koonfur afrika .

Haddii aynu eegno dhinaca doorashooyinka oo aad sheegtay in ay dhacen sanadkii hore waxaa lagu dortay madaxweynihii shanaad ,madaxweynaha aanu dooranay waa kii shanaad waxaa kalo la qabtay doorashooyinki baarlamaanka iyo tii golaha deegaanka waxaanu leenahay nidaam dimuqraadiya oo somaliland ay ku doorato madaxdeeda waxaanu sanadka soo socda aanu galaynaa doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha  deegaanka waxaanan o dhan karaa somaliland si wanaagsan ayey wax uga qabatay dhinacaasi marka loo barbar dhigo somalia iyo dalal badan oo afrika ka mid ahba waxaan aaminsanahay in aqti dhow la arki doono somaliland oo madaxbanaan oo xubin ka ah aduun weynaha ,sababtooah dadka nooga yimaada afrka iyo deeqbixiyayashuba waxay garowsadaan dadaalka ay bixisay somaliland muddo sanado ah waxaanay ku tilmamaan wax la taaban karo isla markaasina waxay noo muujiyaan rajo ah iyo in ay waliba ay dunida ay ka heli doonto ixtiraaf buuxa.

xaqiiqdii waxan odhan karaa somaliland waxay doorashooyinka u gashaa si fiican sanadkiitagay waxaa doorashooyinka ku yimid dib u dhac labo sanadood ah arrintaasi oo ay u sabab ahayd dunuufo baahsanaa oo dalka ka dhacay oo ay ka mid ahayd abaaro dalka ku dhuftay iyo dhibaatooyin kaleba sida caadiga ahna doorashooyinka somaliland waxay ku qabsoomaan xiligoodii loogu talogalay somalilandna waa qaran aad u dimuqraadi ah xitaa dadka reer somaliland waxay dimuqraadi u yihiin dhaqan ahaan waxaanan filaya in aanu wax fiican ka qabanay dhankaasi doorashooyinka iyo dimuqraadiyadaba madaxweynahanina waa kii shanaad haddii aanu sidaasi ku wadno waxaan filayaa in dhaqso loo heli doono aqoonsiga adduun weynaha.

Kiiskayagana waxaanu u gudbinay dalal badan oo afrikaan ah waxaanay noo muujiyeen ixtiraam iyagoo ka garabay in somaliland la aqoonsado iyadoo qadiyadu u baahan tahay in arrimaha la kala sooco arrintanawaa in aanu la marnaa dhinaca somalia oo ay wax naga dhaxeyaan sababtoo ah somalilan waxay madax banaanayd intii aanay somalia ku biirin waxaanay xoriyadeeda ka heshay lix iyo labaatankii juun kun iyo sagaal boqol iyo lixdankii shan maalmood ka bacdina waxaanu ku biirnay somalia oo uu talyaanigu maamuli jiray sidaasi aawadeedna arrintayadu waa ka duwan tahay kiiska wadanao badan oo afrikaan ah dadbaana arrinta isku mid ka dhiga balse arrimuhu isku mid ma ahaintaasi ka bacdina waxaanu xaqiiqsanay in ay haboon tahay in madaxbanaanidayadii aanu dib ula soo laabano hadana waxaanu nahay dowlad madaxbanaan oo aan ilaa hadda la aqoonsan).

Diyarinta -Caydaruus Cismaan-MR-(Ayuubi).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso