Mashruucii Beer Oo Fuliwayey Iyo Wasarada Beeraha Oo Mashruucaasi UGa Faaiideynaysa Deegaanka Xaaxi…

(Toggaherernews)-Mashruucii Beer Oo Fuliwayey Iyo Wasarada Beeraha Oo Mashruucaasi UGa Faaiideynaysa Deegaanka Xaaxi..

Wasiirka Wasarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa daboolka ka qaaday in mashruucii beer uu fuliwaayey ka dib markii dadka deegaanka ka soo hor jeesteen ,iyadoo masuuliyiinta wasaaradaasi mashruucaasi uga faaiideynaya deegaanka xaaxi ,Wasiir Axmed Muumin seed oo arrintaasi ka hadlaaya ayaatidhi:

(Dadweynihii deegaanka beereed markii aanu wadao hadalay labo shir ayaan maalin agaasimaha guud u diray maalin kalena anigoo wasiirka beeraha ayaaba tagay deegaankaasi ber markaasi odayaashaasi deegaanka beer iyo dadka deegaankaba waanu isku fahmi waynay sababtuna waxay tahay dadkeena dhulkii ayaa lagu baabay oo haddii aad tidhaahdo halkani aan wax ka soo saarno waxay isleeyihiin dowladaa dhulka nagala wareegaysa sidaasi darteed mashruucaasi beereed wuu naga socon waayey dabadeedna mashriicii waxanu u badalnay deegaanka xaaxi iyadoo mashruucii hore iyo kanba aanu iskugu geynay xaaxi dadkaasi oo u heelan wax soo saarka iyadoo golaha wasiiradana warbixinta aan ku daray in mashruucaasi istaagay oo aanu inaga soconaynin waana muhiim in wixii aanu sheegno oo mashruucaasi uu istaagay markii aanu in badan odayaashii beereed aanu wado hadalnay sababta qudha ee ay qabsadeen waxay noqotay in aan warqad aan u qoro oo aan idhaahdo dhulka la idinkama qaadaayo oo idinkaa leh taasina masuuliyadeedii way ii noqon wayday in aan masuuliyadeediiaan warqad aan qoroo dhulka idinkaa leh sidaasi darteed mashruucii wuu istaagaymashruucii bereed ma khasaarin oo xaaxi ayaan u wareejinay oo xaaxi ayaan labo mashruuc ka dhignay sagaal boqol oo higtar ayaanu ka hirgalinaynaa haddii aan waliba meel banaan helnana waanu sii kordhin doonaa waana shinida dambe oo ilaa hada ka wasarad beereed ahaan si fiican ayey wax noogu socdaan oo sanadba sanadka ka dambeeya waxaanu xoojin doonaa wax soo saarka waxaanu ku rajo weynahay in sanadba sanadka ka dambeeya in gobolada dalka aanu u qaybin doono oo gobolka kastaa aytemka uu soo saari doono ayaa qorshaha noogu jirta waxaasina waa ku talogalkayaga dambe laakiinse imika guul ayaanu joognaa).

Diyaarinta- Caydaruus cismaan(Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso