Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Qaramayn Mise Hanti-Wadaag “Qaybtii 5aad”

Guud Ahaan Dadka Qomiyadda Soomaaliyeed Meel Kasta Oo ay Degan Yihiin Kalsoonida Dawladnimada Ay Ku Qabaan Wey Liidataa Sababo Badan Awgeed ….

 

Weli Waxaa Ka Dhaadhacsan Badi Muwaadiniinta In Hantida Guud Iyo Dawladnimada Dad Gaar Ahi Leeyihiin Oo Iyagu Xaq U Yeesheen Maamulkeeda Iyo Ku Tagri Falka Waxa Ummada Dhex u Ah Waxa Keenay Aqoon Yari Ka Haysta Xaga Siyaasadda !

 

Qiimayta Ah Xukuumadihii Hore Ayaa Xumaa Oo Hantidii Dalka Bixiyay Iyo Xukuumada Imika Joogta Ama Iman Doonta Ayaa Fiican Oo Dhaanta Waa Aragtidda Shacabka Ilaa Siyaasi Ay Ku Hadaaqayaan Dadka Hargeysa Iyo Dalka Joogaa Badidoodu.

 

Si Loo Fahmo Maxaa Ka Qalooca Kalsooni Darada Iyo Diidmada Muwaadinka Ka Haysata Waa In La Dib Loo Akhriyaa Fikirka Muwaadinku uu ka Haysto Nolosha Oo Dhan ,Diinta Xaniifka ah, Dhaqanka La Kala Dhaxlay, Qabiilka, Siyaasadda ,Dawladnimada , Magaalada Iyo Miyiga , Akhlaaqda Iyo Damiirka , Dadnimada “dhimatay”, Aqoonta , Falsafadda , Arimaha Bulshada , ……

 

Ugu Danbayn Soo Celinta Hantida Guud “Qaramayn” Ee Gaar Loo Yeeshay Waa Mid Kordhin Doonta Kalsoonida Dawladnimada Lagu Qabo Iyo In La Is Aamino

Hanti-Wadaag Waa Gudhin Ganacsiga Xorta ah Ee Dalku Ku Caano Maalay Iyo Fadhiisin Kartida Muwaadinka Dedaalaaya “La Maarmi Maayo In La Habeeyo” Go,aan Cad Ayay Ka Leedahay Xukuumadu Kuma Talo Jirto Hanti-Wadaag “Waa Sida Uu Ku Andacoonaayo Nin Haamaha Gacanta Ku Hayay Iina Sheegay” !!!

 

Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Sababo Badan Oo ay Ka Mid Tahay Tartankii Adkaa Ee Usoo Galay Doorashooyinkii Xorta Ahaa Awgeed Waxay Keentay In Ay u Furnaato Wado Keliya , Wadadiina Wuu Hayaa “HORAA LOO SOCONAYAA” Lagu Amaani Maayo Waa Waajib Saaran

 

Waxa Hadhsan Ee Looga Fadhiya Ayaa Badan

Advertisement

Ku Xayeysiiso