MAXAAD KA TAQAAN 10-KA MAALMOOD EE UGU QIIMAHA BADAN ADDUUNYADA?

MAXAAD KA TAQAAN 10-KA MAALMOOD EE UGU QIIMAHA BADAN ADDUUNYADA? KADIM M ALI

 

Maqaalka qormadan oo noqon doona hor-dhaca  maqaalo dhawr ah oo aynu wadaagi doono maalmaha uu ALLE  in camal la qabto ugu jecel yahay , walibana ay camaladuna ugu kheyr badan yihiin ( TOBANKA DUL -XIJA!).

Maalmahan tobanka ahi waa fursad qiimo badan oo ay tahay in cida ALLE waafajiyay ay uga faa’idaysato sida ugu fiican . Sidoo kalena iska ilaaliyo inay maalmahani ku dhaafaan arrimo aan qiimo lahayn maalinta Aakhiro.

 

Fadliga maalmahan tobanka ah hadaynu si kooban u sheegno waxa ka mid ah:

  • Inay yihiin maalmaha uu ALLE ku dhaartay kitaabka Quraanka ah ( وَلَيَالٍ عَشر )
  • Waxa nabiga (SCW) ka sugnaatay inay yihiin maalmaha ugu wanaagsan aduunyada.
  • Waxay culimada TAFSIIRKU sheegaan in 10-kani ay yihiin wakhtigii uu ALLE la balamay rasuulkiisii MUUSE.
  • Waxa ku jirta 10-kaas maalmood maalinta
  • Sidoo kale maalinta CARAFA oo ka mid ah maalmahaas , waa maalintii  uu ALLE inoo  dhamaystiray diinteena ( ALMAAIDA 4)
  • Waxa sidoo kale ku jirta maalinta ALLE ugu qiimaha badan agtiisa oo ah maalinta ciida , sidoo kalena loo yaqaan maalinta gawraca.
  • Waxa kulma maalmahan cibaadooyinka ugu waaweyn sida salaada , Xaj-ka , soomka sadaqada.

 

Hadaynu intaas kaga nimaadno fadliga maalintaas waxaynu wax ka tilmaami doonaa acmaasha ugu qiimaha badan ee la qaban karo ama ay tahay in la qabto tobankan.

  • Camalka ugu fiican ee la qabto 10-kan habeen waa

 

  • SOOMKU sidoo kale waxa uu ka mid yahay camalada qiimaha badan ee ka sugnaaday rasuulkeena (SCW) maalmahan. Soonkaas oo la wada soomi karo sagaalka maalmood ee ka horeeya ciida , ama ku dedaalista soomista maalinta CARAFA ; oo uu ku soo arooray xadiis macnihiisu yahay:  waxaan rajeynayaa( Rasuulka) in ALLE soomka maalinta CARAFA uu igaga dhaafi doono dembi-yadii sanadkii tegay iyo sanadka soo socda. Sidaas darteed waa in aynu ugu yaraan ku dedaalno soomka maalintaasi.

 

 

  • DUCADA. Waxa fiican inaynu ducada ku dedaalno maalmahan tobanka ah waliba maalinta CARAFA , oo nabigu tilmaamay in maalin ama wakhti la ducaysto ay ugu fiican tahay maalinta

 

  • DIKRIGA. Xuska EEBE maalmahan qaaliga ah waa cibaado cidkastaa la iman karto , ka xanuusanaya iyo ka caafimaad-qaba-ba. Fadliga iyo faa’idooyinka uu qofku ka helayo xuska ALLE , waxay culimadu ku tilmaamaan inay ka badan yahay 50

Sidaas awgeed waxaynu odhan karnaa cida ay ku adkaato inuu la yimaadno xuska ALLE ama mooga-naani ku dhacdo , waa qof ay cibaadooyinka kalena ku adkaan doonaan!

DIKRIGA ka sugnaaday rasuulka SCW in maalmahan si gaara loo joogteyo waxa ka mid ah:

 

TAKBIR-TA , TAHLIL-SHA iyo TAHMID-TA

 

الله أكبر الله أكبر الله أكبر

لا إله إلا الله ا

الله أكبر الله اكبر

ولله الحمد

 

 

 

Xidhmada maqaalka waxaynu is-xasuusinaynaa in camal-kasta oo la qabto bishani uu ka fadli badan yahay camalka la qabto xilli kale. Tusaale ahaan salaada subax ee maalinta berri  ( Axadda) way ka fadli badan tahay salaadii subax ee maanta

( Sabtida). Sidoo kalena camalada qiimaha badan ee 10-kan lagaga faa’idaysan karo waxa ka mid ah khatinka Quraanka .

Ugu dambayntiina aynu 10-kan maalmood iskaga saarno caajis-kii iyo gaabiskii inala soo dersay Ramaddantii ka dib , oo aynu u tafa-xaydano helista Dembi-dhaaf iyo naxariista EEBE.

 

 

XASUUSIN

  • Camalada la qaban karo 10-kan maalmood iyaga oo intan ka-badan , waxaad ka akhrisan kartaa maqaalka ciwaankiisu yahay

)’135 Camal oo la samayn karo bisha Ramaddan”) . Sidoo kale maqaaladii taxanaha ahaa ee Bisha Rammaadan iyaguna waa qaar inaga caawin doona inaynu ka faa’idaysano tobankan maalmood.

Waxaan ALLE inooga baryaya inuu inaga yeelo qaar ka faa’idaysta maalmahan ugu  qiimaha badan adduunyada.

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan ka soo qaatay maqaalkan buugga

44     faa’ido 10-ka DUL-XIJA

MOHAMMED SALAH ALMUNAJID

 

LA SOCDA QEYBAHA DAMBE.

 

https://medium.com/@Kadim

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso