Dib u jaleec waayaha dalkaaga..Q.4aad

pastedImage.png
Qormadan maanta waxaan si kooban u dul mari doonaa labadii dal ee is-dhex yaacii isku noqday dalkii loo bixiyay Jamhuuriyada Soomeeliyeed iyo sidii dhinac walba looga cuna qabateeyay dalkii Jamhuuriyada Somaliland ee 60kii.
Humaagii Somali midayntii iyo hilawgii dhalaan habaabista ee reer Somaliland xoriyadoodii ugu rideen god abeesooyin jiifaan ayay reer Xamar kiina haadaan ka tuureen himaladii Jamhuuriyada Somaliland ee 60kii,abaal kiina noqday SOMALI QALDAAN. Waxaan xasuustaa hees uu qaadi jiray AHN Axmed Mooge Liibaan oo ahayd (Qaniinyada abeesada qacda horaad ku dhimataa ama qodaxdu kugu mudan).
Hadaba sooyaalka madaw ee dalkani soo maray waxa ka mid ahaa qorshe cuna qabatayn dhinaca horumarka dhaqaalaha,waxbarashada,caafimaadka iyo xaalufin xeeladaysan oo aqoonyanadii iyo ganacsatii-ba oo ay dawladahii Xamar ee july 1960 ilaa 1981 kula kaceen dhamaan goboladii Jamhuuriyadii Somaliland ee u gacan galay cadaw.Maah-maah Somalilander ah ayaa tidhaa (Nin aad kabihiisa tolayso ayaa kafan taada tolaaya).
Dawladahii Xamar waxay xagooda ka sameeyeen dhamaan mashaariicdii ugu xooganayd ha ahaato:
1.Warshadaha
2.Wadooyinka
3.Dugsiyada Sare iyo jaamacadaha.
4.Beeraha
Warshadaha: Hadaynu soo qaadano warshadaha 1960 – 1969 waxa jiray 6 warshadood. Warshada Kalluunka ee Laas-qoray oo keli ah ayaa qayb loo siiyay Jamhuuriyadii Somaliland ee hore oo dhaqaalaha ka soo baxana ay Xamar jeebka ku shuban jirtay,waxna aan loo reebi jirin xataa magaalada Laas-caanood,5ta kale waxa boob ku qaatay Koonfurta,waxaana ka mid ahaa warshadii Sonkorta(Jawhar),warshadii hilibka(Kismaayo),warshadii tamaandhada iyo Yoogarta(Xamar),Warshada Caanaha(Xamar).
Aminkii 1969 – 1981dawladahii Xamar dawarsi ay ka heleen dalal shisheeye iyo hay’adaha UN-ta ayaa dhisay ilaa 30 warshadood,waxaanay goosteen dhamaan inay xagooda ku ekeeyaan balse siyaasiyiin Xagan ka soo jeeday ayaa ku dagaalamay warshadii Sibidhka(Berbera),tusaale waxay goosteen warshadan in laga sameeyo Kismaayo sibidh kana buuraha Berbera looga qaado! Sidaan qabo Maxamed Cali Abokor oo berigaa ahaa madaxweyne kuxigeenka 2aad ayaa hadal mahadho reebay ku yidhi Afweyne (Warshada Sonkorta ee madheedhay/Kismaayo balka ha looga soo qaado gobolada waqooyiga),waxa loogu warceliyay taasi suurta gal maaha,ta Berbera-na suurta gal maaha.Dagaalkaa siyaasadeed ee seefaha galka laysaga saaray ayay ku suurta gashay in warshada sibidh-ka Berbera laga dhiso. Dhamaan intii kale koonfur ayaa laga dhisay marka laga reebo warshad yar oo kabka hubka ay ka dhisteen Hargeysa,uguna talo galeen inay u adeegsadaan qorshahoodii ahaa xasuuqa.Waxa iyana jiray warshado yar-yar oo shacabkii Jamhuuriyada Somaliland iskood uga dhisteen Hargeysa markay ogaadeen in cadaadin iyo cidhib tir dhaqaale lagu hayo.
Wadooyinka: Cadaadintii iyo cidhib tirkii horumarka ee Xamar ku haysay goboladii Jamhuuriyadii Somaliland waxa ka mid ahaa inay wadooyinka magaalooyinka iyo gobolada isku xidha kala dagaalamaan in laga fuliyo dalkan xoriyadiisii luntay.Mashaariicdaa waxa maal geliyay talyaaniga iyo shiinaha.Labadan dal oo mashaariic doodu kala danbeeyay ayay jiq isku noqdeen dawladahii Xamar.Balse markii danbe reer Xamar kii kulamo badan yeesheen way ogolaadeen iyo gobolada waqooyina wadooyinkaa la gaadhsiiyo iyagoo qorshaystay inay uga faaidaysan doonaan dhinaca ciidamada.
La soco qaybta 5aad……..
Xuseen Xasan Badmaax
badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso