Daawo :Boqor Raabi Oo Deeq Ka Timid Jaaliyadda Ku Dhaqan Magaalada Al-Cayn Ee Imaaraadka Gaadhsiiyay Dadkii Ku Waxyeeloobay Duufaantii Ka Dhacday Sallaxley + Goobihii Ay Duufaannadu Wax Yeelleesay Oo Wali Dayacan .

Deeqdan raashinka ah oo la gaadhsiiyay 63 Qoys, ayaa waxay ka timid Dad Muxsiniin ah oo ku dhaqan Magaalada AL Cayn Ee Dalka Imaaraadka, waxaanay ku soo hagaajiyeen Boqor Raabi, waxaanu Boqorku Isla maantaba gaadhsiiyey Dadkii ku waxyeelloobay Duufaantii ka dhacday Salaxley, isagoo ugu hagaajiyay Guddida Magaalada Salaxley .

Waxaa Xusid Mudan in dhamaan meelihii ay Duufaantu waxyeellada gaadhsiisay, Sida Dugsiyadii iyo meelihi kaleba aan ilaa hadda wax dayac tir ah lagu samaynin, xaalkooduna yahay ceelna uma qodna cidna uma maqnaa, maadaama muddo ka soo wareegtay markii waxyeelladani ay gaadhay Deegaankaasi .

Odayaal ku hadlayay afka deegaanka ayaa si wayn uga mahad-naqay Deeqdan, waxaanay si isku mid ah carrabka ugu adkeeyeen in waxyeellada gaadhay Deegaankaasi aanay ilaa hadda cid uga soo gurman oo ay goobihii wax gaadheen ay dayacanyihiin .

Advertisement

Ku Xayeysiiso