moyarka waxa lagu xasuusan karaa. Qore dr buux fariin caafimaad

         Qore dr buux  fariin caafimaad

 WAXA MOYAKA caasimada aynu ku xasuusan  karaa wadooyinka burburay iyo urta qashinka biyo fadhiisinka waqtiga xili roobaadka  caasimada hargeisa  degmooyinkeeda  gadiidku qaar ka mida waxay u kula socdaan  2sacaadood  wadooyinka oo aad u burburay  shacbiga caasimada hargeisa waxa laga qaada cashuuro  kala duduwan oo ku dhaca  qasnada dawlada hoose  oo aan waxba loogu qaban  adeegyada hawlaha caasimada hargeisa  tirada shaqaalaha  dawlada hoose oo kor u dhaafay 1700  shaqaale ah waxay sugaan mushaharkooda 2bilood  ma helaan xuquuqdii shaqaalanimo  xafiisyada dawlada hoose sida xafiiska moyarka iyo k xigeenku  had iyo goor way madhan yahiin  dadwaynaha waxay kala kulmaan niyad jab iyo  jahawareer  ma jiro hantidhawre si saxa ula socda hantida iyo dakhliga soo gala dawlada hoose taas oo keentay inuu dhaco musuqmaasaq baahsan iyo hanti lunsi  hadaba hada Waxa si fiican u curtay roobkii xagaaga  aynu  eegno moyarka iyo waxa kala haysta wadooyinka  burburay ee  caasimada hargeisa  waxa aragti kuugu filan burburka wadooyinka biyo fadhiisinka suuqa  caasimada hargeisa  IYO  suuqa khudaarta waaheen iyo gobanimo  jidadka ciida qashinka qoyan ee tuulan  meeday bilicdii nadaafadii hargeisa  dadwaynahu way dhisteen qurxiyeen guryahoodi  waliba waxay ku bixiyaan cashuur dhiska wadooyinka bilicda  nadaafada  ma haystaan goobo parcking oo gadiidkoda  dhigtaan suuqyada

Mee garoomadii caruurteenu ku ciyaarateen

Moyar adigoo is casila ayaa ka roon hadal badan

Urta nadaafad xumada jidadka burburay ee caasimada waqtiga xili roobadka waxa  u sabab ah waxqabadla anta moyarka caasimada  hargeisa goormay gaadhi kartaa waxqabadka moyarka berbera  waa in kor loo qaada bilicda iyo nadaafada caasimada waqtiga xili roobadka si looga hor tago shuban biyoodka  waana in dawlada hoose ay ururiyaan qashinka dooxyada iyo biyo mareenada  caasimada  iyo goobaha wadooyinka  biyo fadhisinka  oo cudur ka dilaaci karo been yaan loo sheegin umada hargeisa waad dayacday  ee hore noo dhaafa  

 

 

 

Xil madhan maamul la an tariikh xumo fahan la an xilka umada codkoodi ay ku siiyen waxqabadka mayarka waxa inogu  filan waqtiga roobku da ayo foolxumada jidadka caasimada  hargeisa iyo qashinka daadsan jidadka caasimada hargeisa  shantii sano ee la doortay oo ay ku egtahay  july 2017 waxa u qabsoomay golaha deeganka caasimada harg wadada airport harg  halka moyarka berbera uu dhisay 65 wado oo wadada ugu yar ay tahay  8km isha u macalin ah  muwaadin aragtida indhahaga ku daawo berbera iyo hargeisa kadib qiime  waxqabadka labada gole deegan

                                                 

  Mayarka caasimada hargeisa waxa lagu xasuusan karaa  maamul xumada   masuuliyad darada   tacadiga ganaaxyada  culus  ee uu dib ugu soo celiyey

Shaqaalahi dhamaan dib looga eryey  dawlada hoose ee cunay dhulka danta guud  dakhligii iyo bugaagta dawlada hoose ku takri falay isagoo danaynaya  dano gaar shaqsiyeed oo ka leeyahay dib usoo celintooda  moyarka oo ku sababeeyey soo celintooda  in ay yahiin shaqaale waayo arag ah  eng maxd hashi isagoo ku soo rogay imtixaankii dawliga ahaa dawlada hoose si loo helo shaqaale tayo iyo aqoon leh

 Iyadoo  ay caasimada hargeisa soo mareen moyaro  kala waqtiyo qaar ah xukumayey  caasimada hargeisa ha ahaadeen moyaro waqtigaa laga soo magacaabayey  xafiiska madaxtooyada  dalka  hadana taariikhda iyo soyaalka dalku marna ma hilmaami karo  in la xuso  waxqabadkii kala du duwanaa ee ay  ka qabteen caasimada hargeisa  dhiskeeda bilicdeeda arimaha nadaafada caasimada hargeisa  moyaradaa ka soo taliyay maamulka dawlada hoose waqtiyadaa mudo xileedkooda moyarnimo

 

Dawlada hoose hargeisa waa muraayada laga daawado  maamulka  caasimada hargeisa haday dawlada hoose  xumaato  taa macnaheedu waxa weeye  in ay shacbiga ku nool caasimada harg aanay mardambe  ku dhiiran inay ay si fudud u siiyan codka kalsoonida waqtiga doorashooyinka golayaasha deeganka ee inagu soo fool leh  labo sano ka dib  hadaba waxa waajib inagu ah in aynu xusno soona qaadano maamuladii moyaradii ugu wanaagsanaa ee soo maray caasimada hargeisa iyo  heerka waxqabadkii ay ka qabteen caasimada hargeisa waqtiyadii mudo xileedkoodi moyarnimo  inagoo soo horaysiin doona  eng maxd hashi

Waqtigaa uu la kulmay xilka moyarnimo ee caasimada eng inkastoo ay ahay waqti dalku ku jiro xaalad adag oo aanu si fiican aanu u shaqaynayn maamulka dawladnimo hadana eng maxd hashi waxa uu isla markiiba ka bilaabay in uu wax ka qabto  heerka aqooneed ee shaqaalaha ka shaqaynayey dawlada hoose isagoo  dib u eegay heerkooda aqooneed waxbarasho  dibna uga qaaday imtixaan waxbarasho si uu kor ugu qaado mushaharka ku filaan kara inanka shaqaalaha ah  si uu badbadiyo hantida umada kana fogaado  laalush iyo musuqmaasaq  eng maxd hashi waxa uu  u kordhiyey mushaharkii shaqaalahi ku guulaystay imtixaanka  dawlada hoose ilaa heer ku filan noolasha isaga iyo caarurtiisa  eng maxd hashi markuu helay shaqaale tayo leh waxa uu kordhiyey shaqadii dawlada hoose  gali hore iyo galin dambe eng maxd hashi waxa uu culayska saaray dhagaysiga iyo kasbashada shacbiga caasimada ku nool isagoo dhex socon jiray isagoo kaliya si uu u qaato taladan shacbiga ku nool caasimada iyo baahiyadka tabashadooda gaarka eng  hashi waxa uu aha moyarkii culayska saaray in uu dib u habeeyo qorshaha  dhiska caasimada iyo jidadka  caasimada  si walba ha ahaate waqtigaas oo aanay suurto gal ahayn  nidaamkii maamulkii dawladnimo ee jiray

 

Eng xusien maxamoud jiciir oo ah moyarkii ugu

nadaafadeed ee caasimada hargeisa ku sugnayd waqtiga  moyar xusien jiciir oo ah moyarkii ugu horeeyey eeku yimaada cod dorosho  gole deegan  inakoo kazoo bilaabayna  heerka waxqabad ee arimaha nadaafada caasimada harg iyo kawaanka   qashinka iyo maamulka nadaafada caasimada waxa maaraynteeda laha dawlada hoose oo  qashinka ka masuul ahayd  iyadoo aad dareemi karto waqtigaa goobaha qashinka caasimada  uu tuula iyo nadaafad xumadii iyo bilic xumadii   isla waqtiga moyar jiciir isagoo eegaya  sida ugu haboon ee qashinka caasimada wax loga qaban laha oo ah heer caalami  waxa uu ku wareejiyey qashinkii shirkada private sectors oo uu ku gunayn jiray dawlad hoose kaab dhaqaale  siday shirkadahaasi usii  kordhin lahayeen heerkooda waxqabad  sidoo kale waxa uu ka dhex saaray  kawaankii caasimada hargeisa oo uu gaadhay  qorshahii dhiska caasimada oo uu ku wareejiyey shirkada private sectors  markaynu barbar dhigno moyaradii soo maray eng  xusien maxamuod jiciir waxa uu ka hir galiyey daafaha  caasimada jidad isku xidha  degmooyinka caasimada si ay u fududato simxada wado marida  jidadkaas oo uu ka hir galiyey dagmo kasta jid gaadhaya dherer 8km isugayn 26 wado oo laami ah ayuu ka hir haliyay caasimada hargeisa

Halka moyar cabbirahmon sotelco oo hada soo dhamaystiraya  jidkii ugu dheera ee dawlada hoose wax ka qabatay  kaas ooh jidka airport  halka  july 2017 uu ku eg  yahay waqtigii mudo xiloodkoda golahan deeganka markaan lagu darin mudo kordhintan dambe

 

 

waxqabadka badnaa caasimada hargeisa  moyaradii soo maray marka loo eego heerka  maamul waxqabad

: Dr Buux

Fayo-dhawre madax bannaan                      la soco

buux2010@gmail.com  

0634130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso