Gudaha Ka Eeg :Shirkadda Dhismaha Al Baraka Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuustay Qurbo-Joogta Ku Sugan Dalka .

 

Shirkadda Dhismaha Casriga ah ee Al Baraka Construction Company ayaa sidii caadada u ah sannad walba waxay hadhimo sharafeed ku maamuustaa Qurbo joogta xagaagi dalka yimaada .

Waxaanay shirkaddu Maanta Hadhimo-sharafeed ku maamuustay qurbo joogta Reer Somaliland ee ku sugan Hargaysa .

Waxaana kulankan ka soo qeyb galay Madax-dhaqameed kala duwan, aqoonyahan, waxgarad, saraakiisha shirkadda, Gudomiyaha Shirkadda Eng Cali Aw Cumar iyo marti sharaf kale .

Ugu horayn waxaa halkaasi kalmado ka yidhi Cuqaal iyo wax garad kale, kuwaas oo u mahad naqay Shirkadda Al Baraka .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ku hadlayay afka qurbo joogta kuwaas oo si wayn uga mahadnaqay casuumadda shirkaddu u samaysay, iyagoo ku dheeraaday kaalinta ay shirkaddu kaga jirto koboca ka socda dalka .

Ugu dambayn waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guud Ee Shirkadda Dhismaha AL Baraka Eng Cali Aw Cumar, waxaanu faahfaahiyay ujeeddada casuumadan, isagoo sheegay in ay tahay mid ay ku soo dhaweenayaan qurbo joogta dalka .

Waxaanu Gudoomiye Cali ku amaanay qurbo joogta, sida ay dalkooda u maal-gashadaan, isagoo ku dhiiri galiayy in ay ka qeyb qaataan horumarka kala gaddisan ee ka socda dalka .

Advertisement

Ku Xayeysiiso