Dib u jaleec waayaha dalkaaga..Q.2aad.

     Dib u jaleec waayaha dalkaaga..Q.2aad.

    

Calankan oo ahaa kii la sudhi lahaa habeenkii xornimada Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay boqortooyada ingiirska,laguna bedeli lahaa kii ingriiska waxa is-hortaagay xamaasadii iyo caadifadii shacabka reer Somaliland u hayeen xoraynta 5ta gobol ee Somalidu degto(British Somaliland,Italy Somaliya,NFD iyo Somali-galbeed).Qasab ayay ku noqotay golahii sare ee Britsh Somaliland oo uu hogaaminayo AHN Md.M.I.Cigaal ahaana prime minister uguna sareeyay British Somaliland inay april 1960 codsi u qoreen boqorada ingriiska kana dalbeen diyaarinta maalinta xornimada iyo midaynta British Somaliland iyo Italy Somaliya.Waxa loogu soo jawaabay inay wafti ku tagaan dalka ingriiska si looga wada hadlo xoriyada.Waftigaa ayaa taga ingriiska May 1960.Dood dheer ayaa dhex martay 2dii dhinac.Waxa laysla qaatay xornimada inay noqoto 26 June 1960 balse qodobkii 2aad ee ahaa midnimada Ingiisku waxuu ku adkaystay inaan lagu degdegin midnimada Italy Somaliya,taa se waxa diiday waftigii ka socday British Somaliland oo yidhi xornimada kadib annaga ayaa go’aanka leh,weliba shacab-kayaga ayaa doonaya habeenka xornimada in lagu bedelo calanka isticmaarka calanka Italy Somaliya u qorshaysan oo kooda aanu qaadano maadaama aanu midnimo doonayno.Soo noqoshadii waftiga ayaa la diyaariyay calankii Italy Somaliya in laga taago hargeysa 26 June 1960.Shir ay galeen golahii saree e british Somaliland 1 june 1960 ayaa lagu war geliyay abwaano gabayo u diyaariyay calanka iyo salaadiintii reer Somaliland isbedelka 2dii calan,kii british Somaliland iyo kii Italy Somaliya sidaa ayuu ku hirgelay oo laysla qaatay.Kadibna waxa la tartan siiyay gabayadii,waxaana isku soo hadhay AHN Cabdi Iidaan iyo AHN Cabdillaahi Suldaan Timacade.Labada gabay ba aad ayay u qaayo badnaayeen balse waxa la qaatay gabaygii Cabdillaahi Suldaan Timacade,erayga lagu qaatayna waxuu ahaa (Aan siduu yahay eego e’ kaana siib kana saareey).Sidaa ayaa 26kii June 1960 calankii italy lahayd la sudhay Hargeysa laguna bedelay calankii ingriiska.Hadaba habeenkaa hadaynu eegno rayn-rayntii iyo farxadii xornimada kuma koobi karno qoraal iyo sheeko toona.Maxaa se 5casho kadib god madaw oo abeesooyin guntiisa jiifaan,lana arkayn ku dhacay?

La Soco qaybta 3aad.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso