Ardeyda Dugsiyada ka Saaqida(I) ABDIFATAAH M.AHMED

 

Marar badan Waxaad is weydiineysaa,Haddii aanu qofku Dugsi waxbarasho soo marin sidee Ayuu nolosha Guul uga gaadhi karaa?haddana waxa aad ka fekireysaa nolosha in guul iyo horumar laga gaadhaa ma waxa ay ku xidhan tahay Keliya sannadaha waxbarashada Dugsiyada.Dugsiga ama waxabrashada  oo laga hadho ama baxaa dad badan waxa ay la tahay khasaare.Ardeygeena wax-baranaaya haddii uu Dugsiga joojiyo waa wax inala weyn oo laga xumaado.

“Kuwo badan oo Dugsiyada isaga baxay kana hadhey Geedi socodka waxbarashada Ayaa nolosha aynu arkeyno maanta Horumar ka sameeyey,Wax cusubna ku Ikhtiraacey oo kuwii Jaamacaddaha ka soo baxey ay u shaqeeyaan,Maal-qabeeno badan oo Dunnida caan ka ah ayaan ka mid ah la wada Garanaayo”.

Ardeygu marka uu waxbarashada ka hadho ama dugsiga ka baxo,wuxuu wajahaa wakhti adag oo dhaliil iyo ceebeyn leh,iyada oo lagu duraayo awood daridiisa dhanka waxbarashada iyo in uu wadan kari waayey aqoontii anfici laheyd mustaqbalka.Waayo qof kasta waxa aynu la rabnaa Engineer,Caafimaad,iyo Aqoonta sayniska ee kala duwan.eedeymahaasi ayaa qofkii maskaxda ka dili kara kuna dhex tuura xaalad uu qofku is waayo,Wuxuu doonaa in uu dib isku helo noloshana meel ka soo muuqdo isaga oo aan wax jiho ah heysanin.

Marar badan Hannaanka Nidaamka waxbarashada loo Dejiyey Ayaa ardey badan ku qasba in ay Dugsiyada ka saaqidan ama isaga baxaan,Qaab-dhismeedkeena waxbarasho ayaa ah 4 hoose/4 dhexe/4 Sarre/4 Jaamacaddeed,Wakhtigaasi iyo iska dhex Jooga dugsiyo aan laheyn waxbarasho tayo leh Ayaa ardey badan nacsiiyey sii wadashadii waxbarashada,Dad gaar ah ayaana u soo samri kara 20 sanno waxbarasho soconeysa.Ardey badan oo Dugsiyada isaga hadheyna waxa ay leeyihiin hibo,karti ama hal-abuurid ay nolosha wax kaga qabsan karaan.

Ardeydu Arrimo badan Ayey Waxbarashada u Joojiyaan sida Arrimo dhaqaale,Tallooyin khaldan oo la siiyo,Cadaadis waalidka kaga yimaada sida in ay la shaqeeyaan,Xanuuno,is-koris iwm

 

La soco……………………… Qeybaha dambe ee Maqaalkani,Guud ahaana ku xidhnow Maqaallada waxbarashada ee Toddobaadlaha ah ciwaankooduna yahay “Jidka Aqoonta”.

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso