Wanka Madow “Sida Ay Ku Bilaabantay Noloshu Ee Aan La Sheegin”

“Sideedaba Sheekadu Waa Baal Ka Mid ah Baalsha Nolosha Balse Ma Turjunto Nolosha Dhabta ah aynu Ku Noolnahay Sheekadu Way ka Qoto Dheertahay Waanay Tilmaam Dheertahay Nolosha Dhabta ah Yaan Loo Qaadan in Cid Gaar ah iyo Wadan Gaar ah Loo Jeedo Waxaan se uga Jeedaa Wacayigalin”

Sheeko Gaaban

Waxaa jirtay magaalo dadka dagan oo dhami ay ahaayeen tuug, Marka uu gabalku dhaco ayuu nin waliba ka bixi jiray gurigiisa isagoo sita furayaal badan iyo toosh aan iftiin badan lahayn markaa wuxuu u dhici jiray aqal ka mid ah aqalada u dhow waxay ku soo laaban jireen guryahoodii waagu intaanu dilaacin iyagoo nin waliba sita wuxuu xaday iyagoo nin walba aqalkiisii isna la xaday ayuu soo laaban jiray

Sidaasay kuwada noolaayeen nimco oo lagu kala raali ahaa cid khasaare qabtaana may jirin qof waliba ka kale ayuu xadi jiray guriga u danbeeya ka dageni ninkii aqalka u horeeyay deganaa ayuu xadi jiray!

Wuxuu ganacsiga magaaladu ku dhisnaa been iyo is khiyaamayn ka wax iibinaya iyo ka wax iibsanayaaba dawladuna waxay ahayd budhcad shacabkeeda xada dadkuna waxay ku hawlanaayeen inay dhacaan dawlada sidaasay noloshu ku socotay oo la isku ogolaa cid baahan oo faqiir ahina may jirin cid hanti buuran oo taajir ahina may jirin

Maalin maalmaha ka mid ah ma ogi siday u dhacday nin daacad ah ayaa magaaladii soo degay
xaguu habeenkii tooshka iyo mafaatiix qaadan lahaa ayuu aqalkiisa iska dhex fadhiistay si uu sigaar u cabo oo bugaag sheekoon ah u daalacdo , tuugu markuu usoo dhaco wuu iska noqon jiray markuu arko laydhkii oo shidan.

Waxa qasab ku noqotay dadkii magalaada deganaa inay la hadlaan ninka loo sheego hadaanu shaqadan doonayn isagu ninka isaga u soo dhici lahaa ayaa reerkiisu qadayaan sidii ayuu ku ogolaaday inuu gurigiisa uga baxo si loo xado aqalkiisa

Habeenkii markuu ka baxo aqalkiisa aroortii ayuu ku soo laaban jiray aqalkiisii oo la xaday isna inuu wax xado wuu diiday

Mudo ka yar hal Todabaad ayuu ku wax beelay ninkii daacad ahaa oo wuxu cuno waayay balse taa may ahayn dhibtu waxay mushkiladi ka taagnayd khalkhal ayuu ku riday noloshii magaalada oo aqalkii uu xadi lahaa isagu ayay alaabtu ku hadhaa habeen walba halkaa waxa ka baxay isku dheelitirkii

Mudo ka dib ayaa dadkii aqaladooda aan la xadin ayaa ka hanti badnaaday intii kale oo waxay ku tashaadeen inay joojiyaan tuugada , waxaase ka sii daran nimankii habeen walba u soo dhacaayay aqalka ninka daacada ah wax la,aan ayaa ku dhici jirtay waxay markaa noqdeen faqiir ah oo baahan

Isla xiligaa kuwii hantida badan yeeshay way joojiyeen tuugadii habeenkii ayay is raacaan ninkii daacad ahaa markaasay biriij magaaladu lahayd ku soo caweeyaan si ay daawadaan biyaha biriijka hoostiisa qul qulaaya taasina waxay tilmaamaysaa soo badashada dadka hantida leh iyo qaybtii kale oo faqrigu ku sii batay.

Intii hantida lahayd ayaa fakaray waxay yidhaahdeen hadii habeenkii aynu cawayno dib ayaa la inoo xadi ee aynu kiraysano dad faqiir ah oo inaga inoo xada oo aynu mushar siino, waanay heleen

weli dadku waa tuug midba ka kale ayuu xadaa waxba iskama badalin

Sidaa awgeed ayuu hantiilihiina sii lacag batay kii baahnaana sii baahi batay ilaa ay gaadhay in hantiilihii aanay u baahan cid u xada dadka kale balse hadii uu ka joogsado ay isaga la xadi doono ileen dadkii baahnaa may joojin tuugadiiye

Sidaa owgeed ayay kiraysteen dadkii ugu baahida badnaa si ay u ilaaliyaan hantidooda

Waxa garab socotay iyadoo ciidamadii booliska dib loo habeeyay oo jeelashii dib loo dhisay

Dhawr sano ka dib imaanshiihii ninkii daacada ahaa cidina kamay sheekayn jirin cid la xaday iyo cid wax xaday toona, balse waxa laga sheekan jiray dadka baahan iyo dadka hantida leh iyagoo ay wada ahaayeen tuug gabigoodba

Muu jirin ninkaa daacada ah mooyeene nin kale oo aan wax xadi jiray isagiina mudo yar ka dib ayuu gaajo u dhintay

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso