Waa in dawlada dalku si fiican ula socdaan caanaha cuntooyinka food stuf

Waa in dawlada dalku si fiican ula socdaan caanaha cuntooyinka food stuf ration sharaabka daawoyinka dalka dibada uga yimaada si loola socdo hubinta isticmaal ee badeecadahaas dekadaha suuqyada ganacsi
Dalkii hore ee somaaliya waxa iman jiray 3 nooc caano milk bowders oo ku iman jiray nidaamsharci ganacsi laba dawladood oo si saxa loola socdo tayadooda caafimaad iyo maadooyinka ay ka kooban yahiin oo ahaa international stander index
Waxa soo raaci jirey caano cartons ku iman jiray oo la odhan jiray caano bodh caanahas oo inta badan ahaa caanaha hayadaha sida qaxootiyada

Maxaa caanaha loogu soo qori waayey magaca ganacsiga company caanaha ee had iyo goor loogu soo qoraa magacyada haweenka soomaalida jawaabtu waxay u egtahay kalsooni la an company caanaha soo saaray oo aan lahayn shuruuc company caalamiya oo si fiican looga ogyahay suuqyada ganacsiga caalamka ta kale waxay noqon kartaa suuq galin ganacsi oo laga raadinaayo haweenka qoysaska oo ka masuul ah daryeelka caruurta qoyska iyo quudintooda dhalaanka si iib fiican loogu helo caanahaas

Caanaha hada dalka yimaada oo aad u badan ganacsigooda hadana inta badan caanaha saxa waxa ay ka yimaadan dalalka imaaradka oo booyado aad u waawayn ay ka keenan dalka newseland holand etc dalalka imaaradka ayaa dib loogu soo qasacadeeya inkasta oo caano badan oo aan lahayn la socod tixraac caafimaad laga keeno dalka chine caanahas oo inta badan ah copy madaama aanu dalkeenu lahayn qalabkii lagula soconaayey noocyada badeecada kasoo degaya dekedaha dalka ama airport
Waqtigii dawladii hore ee soomalia ganacsigu wuu xadidnaa inta badan waxa uu ahaa ganacsi ku yimaada laba dawladeed oo lala socdo noocyada tayadiisa caafimaad ma jirin ganacsigan hada jira ee ganacsade kasta uu keenayo dalka cunto xaaran iyo xalaal waxay tahay ta kaliya ee ay hada ganacsatadu ka door bidaan danta caafimadka bulshadooda waa macash raadin degdega ah

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso