Bulsho Wada Siyaasi ah W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid {Dalmar}

Inta badan bulshadeena somaliland tuulo ilaa caasimad miyi ilaa magaalo waa wada siyaasi xata da’yarta soo kacaysa oo aad ugu xidhan siyaasada taas oo sababta marka uu madaxweynaha jamuhuuryda somaliland mudane axmed maxmed maxamuud siraanyo uu xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyo dhammaan bulshada guux iyo doodo xoogle laga dareemo qof walibana dhaho liiska wasiiraada cusub iga eega iyo wasaaraad heblaayo ayaan ku wanaagsanaa,

Hadaba waxay taasi cadaynaysa sida ay bulshadeenu arimaha siyaasada aad ugu xidhanyihiin sido kale waxay taasi ku cadaynaysaa in bulshadu wada xil doon tahay hadaba aynu si kooban u falanqayno waxay faa iido iyo faa iido daro u leeday siyaasadu bulshadeena;

 maxay faa iido u leeday siyaasadu bulshada?
Faa iidada ay u leeday waa in ay nidaamka siyaasiga ah kala bartaan uun,
 Maxay faa iido daro u leeday siyasadu bulshada?
Faa iida darada ay u leeday waa
1. Shaqo lumis oo inta ay siyaasada ku mashquulsanyiin ayey ilawayaan sidi ay shaqo u abuuran lahayeen ama wax u baran lahaayeen .
2. Waa wakhti lumis oo wakhti ay fursado kale kaga faa diidaysan lahaayeen ayey ku lumyaan
3. Waa in qabyaalada u dhawaadaan sida qof waliba uu qabiilkooda uga baadhayo liiska la magcaabay iyo qaar kalo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin balse bulshoy hankiinu hadhaafo maxaa la magcaaby oo wax qabsada.
W/Q: cabdiraxmaan Rashid axmed
Suxufi madax banaan
Hargaysa somaliland
Emil: cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso