Xisbiga Mucaaridka Ee UCID Oo Beeniyey Warar Guddoomiyahooda Eng. Faysal C. Waraabe Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Laga Baahiyey

Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa beeniyey in war laga baahiyey guddoomiyaha Xisbigooda Eng. Faysal Cali Waraabe oo la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kulan gaar ah oo khilaaf dhex dhexyaalay turxaan bixin u ah ay wada yeesheen, balse warkaasi xisbigu waxa uu ku sheegay mid aan jirin isla markaana aanay jirin wax dhib ah oo dhex yaalay Guddoomiye Faysal iyo Madaxweynaha Somaliland midna aanu jirin.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa war kooban oo uu saxaafadda ugu talo galay ka soo saaray warkan guddoomiyahooda iyo Madaxweynaha Somaliland laga baahiyey, waxaanu sheegay in aanu jirin wax kulan gaar ah oo garnaqsi ah oo dhex maray labada hogaamiye ee qaranka Somaliland iyo Xisbiga UCID, isaga oo farta ku fiiqay in aanay jirin wax khilaaf ama turxaan oo dhex taala labadooda ama waxay isku hayaan, waxaana uu qoraalkiisu u dhignaa.

 

Ujeedo: Sixid Iyo Beenin War Laga Baahiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID wuxu halkan ku cadaynayaa in aanu jirin warar lagu sheegay inay kulmeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanan umadda u cadaynaynaa in aanu kulanka aan jirin  oo lagu sheegay mid Turxaan bixin ahi, in aanay haba yaraate jirin wax la turxaan bixiyo ama ismaan dhaaf oo dhexyaala labada hogaamiye Ama xukuumada iyo Guddoomiyaha Xisbiga.

Ugu dambeyntii fariinta kooban ee sixitaanka iyo cadaynta ah ka dib, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu  waxa uu sacadaha soo socda u baxayaa safar shaqo oo kamida hawlaha uu xisbigu qaranka u hayo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni)

Wabilaahi Tawfiiq.

Advertisement

Ku Xayeysiiso