Shirkada Dahab Shiil waa Udub dhexaadka Soo Kabashada Somalida waana Dheeman innaga dhex Ifaysa

Bulshadda Somaliyeed waa umad  mid ah taas oo waxa mideeya ay ka badan yahiin waxyaallaha qaybiya,Ab iyo isir wadaaga ay yahiin waxaa u dheer dhaqan iyo dhaqaale wadaag ay yahiin,Somalida ma jiro wax kala qaybiya marka laga yimaado gumaystayaashi  qarnigii 20aad qabsaday dhulka Somalida kuwaas oo nidaamkodi gumaysi laga dhaxlay khilaaf baahsan oo dhex galay bulshada Somaliyeed,khilaafkaas oo aafeyay qaybo ka mid ah laamaha bulshada”Social sectores “,kuwaas oo ku jira dirir ama colaad aan lahayn natiijo guul ah oo laga gaadhayo.

Qaybsanaanta Somalida ee laga dhaxlay gumaystayaashi waxay si gaara u taabteen haldoorka bulshada “Intellectual  people”, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada,qaybta kaliya ee Ammanta mudan kana badbaaday khilaafka bilaa natiijada ah waa Ganacsatada,
Ganacsatadu waa tiirki u danbeyay ee ay ku taagantay bulshada Somaliyeed,waxayna abuureen isku furnaan Somalida gudaheeda ah.Waana rukniga kaliya ee Somalida u badqaba abuurayna isdhexgal iyo wada noolansho Somalida gudaheeda.iyadoo guud ahaan ganacsatadu mudan dhawris iyo abaal gud si gaar ah waxaan usoo qaadanaya Shirkada Dahab shiil.

Shirkada Dahab shiil mahadi ha ka  gaadhe waxay guud ahaan Somalida u samaysay Shaqo abuur iyo adeegyo badan oo aan lasooo koobi kari,waxay gaar la tahay xusidna mudan inay magaca Somalida gaysay guud ahaan Caalamka magaaloyin aan dowladii dhex ee Somalia Safaarado ku yeelana ay gaadhsiisay magaca Somalida.Dhanka kalana Shirkadda Dahab shiil waxay Somalida u samaysa caawimoyin badan  iyadoo ka qaybqaadata  caawimoyinka guud ahaan gayga Somalida,waxay wax bartayoo jaamacadka aduunka kasoo saartay Arday Somaliyeed oo ka kooban dhamaan magaaloyinka Somaliya halka qaar kaloo badana gudaha kaga bixiso waxbarashada heerka jaamacadeed ah,Dahab shiil waxay Somalida u tahay ku dayasho dhab ah waxayna inna baraysaa in eex la ‘aan iyo qabyaalad la ‘aanta lagu horumaro,waayo guud ahaan Qabiiloyinka Somaliyed mid kasta waxay qayb ka yahiin shaqaalaheda.ugu danbayn Dahab Shiil waxay mudantay  dhiir galin iyo abaal  marin.

 ugu danbayn waxaan ka digayaa  khatar wayn oo kusoo fool leh Somalida oo dad waxma garato ah jecelyahiin hurinayaana,khatartaas waxa weeyaan in shirkadaha waaweyn ee Somalida ah loo qabyaaladeyo dad dano gaar ah leh oo guusha Somalida ka horjeedana inagu riixan inaynu abuurno kala gadoon dhanka ganacsiga ah,hadii aan laga hortagin falalakaas kuwa sida qaldan u shaqaynayana aanay Somali iska qaban oo magaalo kasta iyo maamul kastaaba aanu xakamaynin waxay inagu riixayaan inuu go ‘o ama burburo tiirka kaliya ee Somali mideeya tiirkaas oo ah Ganacsiga iyo isdhexgalka uu abuuro ganacsiga waaweyn ee heerka Dahab shiil oo kale  ah, oggow hadii Magaalo ka mid ah gayga Somaliyeed ka dhacaan falal noocas ah waxay dhalinayaan jawaabo gaadhaya ama u gudbaya magaaloyin kale iyo shirkado kale oo iyagana la waxyeelleyo saas darteed waxaan soo jeedinayaa in Ganacsatada waaweyn ee magaaloyinkoda guuxa qaldan la galiyayay ay kacaan oo waxma garatada iska qabtaan si aan iyaga dhibtu  ugu gudbin waxaanan xusuusinaya Gabaygii Somaliyeed ee ahaa 

“Hadii lays dhex mari waayo oo dhoorka lays gooyo
Nin waliba dhul waa leeyay iyo kob uu ku dhaataye”

Ugu danbaynti waxaa xusid mudan in Shirkada dahab shiil abuurtay  Midnimo iyo isdhexgal Somaliyeed,saas darteed waxa damiirku ina falayaa inaynu dhowrano oo ku qadarino wanaaga ay bulshada Somaliyeed u samayso,Magaalo kastana dadkeeda wax garadkii waa inay talaabo ka qaadaan kuwa  shaadhka qabyaalada ugu gabanaaya ee magacaka dilaaya magaaloyin mudnaan iyo taariikh wanaagsan Somali ku dhex leh.

W/Q: Axmed Maxamed Cabdile”Axmed Sigis”
Mobile Number 4434466

Advertisement

Ku Xayeysiiso