Bandhigga Buugaagta Hargeysa: Madal Laga Dheefo Aqoon iyo Aragti Togan Siciid Maxamuud Gahayr

 Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa waxa markii kowaad lagu qabtay Hargeysa hilaad ku siman gu’gii 2008da. Waa sannadka keliya ee aanan ka qayb gelin, sababtuna waxa ay ahayd in aanan maalmahaas dalka joogin.

 

Furitaankii HIBF ee 2009ka waxa lagu daah-furay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa. Marka laga yimaaddo suugaanyahanka caanka ah ee aannu hore isu aragnay ama aan toos u daawaday sida Marxuun Gaarriye iyo Abwaan Hadraawi, waxa ay ahayd madashii kowaad ee aan kula kulmo qoraayo iyo hal-abuurro caan ah sida: Maki Xaaji Banaadir, Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed, Cabdillaahi Diiriye Guuleed Carraale, Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo Sayid Maxamed Yuusuf.

 

Abbaarta (mawduuca) sannadkaas la qaatay waxa uu ku saabsanaa faaf-reebka. Waxa furitaanka hadal dedan oo duurxul ah ka jeediyay Abwaan Hadraawi, muddo ayay igu qaadatay in aan kasaa. Sidoo kale Abwaan Gaarriye ayaa xusay in maskaxda aadamuhu ka fekerayso hir ka fog xawaaraha uu ilaysku sannadkii jaro, sidaas awgeedna aan cabbir kooban lagu sarjari karin maangodolka aadamaha.

 

Waxa aan u arkayay, xog-ogaalna u ahaa in uu yahay abaabul ka dhashay garaadka aqoonyahanno reer Somaliland ah oo ay xiskooda ka goday in ay abaabulaan fagaareyaal ay ku kulmaan dhallinyarada, qoraayada, hal-abuurka iyo indheer-garadka ummaddu. Wuxuu ahaa madar aanu ka helno dhiganeyaasha kala geddisan ee daafaha dunida laga soo saaro. Bahda HIBF waxa ay gacan-qabteen soo saarista buugaag badan. Waxa ay tartan qoraal ah sannad walba u qabtaan dhallinyaro kala geddisan.

Wuxuu ahaa gole nagu dhiirriyay bandhigga hibooyinka hal-abuurka iyo qalinka ee da’yarta. Dr Jaamac Muuse Jaamac waxa aan ka hayaa “Adduunka waxa aan ugu jecelahay qof buug qoraya”. Bahda KAYD iyo RED SEA oo hormood ah HIBF waxa ay suurtageliyeen in suugaanyahanno, qoraayo iyo indheer-garad badani u geeddiyaan carriga Ingiriiska si ay uga qayb galaan toddobaadka dhaqanka Soomaalida ee Landhan laga agaasimo.

Si aan u arkayo in uu iskaa wax-u-qabso yahay ayaa lagu bilaabay. Tusaale ahaan Ayaan Maxamuud Cashuur oo ka hadlaysa furitaanka 2009ka ee Ambassaddor ayaa tidhi “Khadar waa uu inna siiyay hoolka, wixii aad kartaan bixiyana wuu yidhi”. Tubtii loo maray xaqiijinta himilada, yoolka laga leeyahay iyo waxtarka uu leeyahay ayay xustay. Waxa waagaas loogu magac-daray laguna xusay sooyaalkii iyo qofnimadii Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan. Hoolkii uu shirku ka furmay qudhiisa waxa loogu magac daray Maxamed Mooge. Dr Jaamac Muuse Jaamac nalama joogin 2009ka, waxaanu kansho ka waayay xanuunka wiil uu dhalay oo uu kula tacaalayay carriga Talyaaniga.

 

Sannadkaas waxa aan ka qayb geli jiray kulan toddobaadkiiba hal mar qabsooma, waxa lagu gorfayn jiray arrimaha bandhigga hor yaalla. Walaw uu gaar u ahaa guddiga qabanqaabada, lama diidi jirin in aan goobjoog ka ahaado. Waxan ahaa qof u niyadsan qabsoomiddiisa, sidaas ayaan bahda qabanqaabada ula wadaagi jiray aragtida ii muuqata.

“Sidee ayaynnu ogeysiiska furitaanka ugu faafinnaa wargeysyada?” ayaa ka mid ahaa weydiimaha la gorfeeyay. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa yidhi “Tifaf-tirayaasha Wargeysyada ayaynnu u bandhigi”. Mar kale ayaa loo baahday in cod xayaysiis ah la duubo, waxa la is weydiiyay dhaqaalaha taas ku baxaya. Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa si fudud noo yidhi “Aniga ayaa duubaya codka”

“Sidee ayaynnu u maaraynnaa hawsha noocaas ah?”. Arrimaha qaarkood waxa loo bandhigi jiray muwaaddiniin reer Somaliland ah iyo ganacsato. Gacanta ugu badan waxa sannadkaas HIBF la barbartaagnaa Ambassador Hotel, Daallo Airlines iyo Shirkadda Dahabshiil. Waan hubaa in qof kasta oo aragti togan keena la taageerayo. Marba marka ka dambaysa waa ay sii kobcaysay waxaanay 2018kajoogtaa heer lagu marti-qaado wakiillo ka socda 28 dal.  Tisqaadkeeda waxa loo huray arrin, adduun, amin, itaal iyo adkaysi. Iyada oo la majare-habaabinayo ama lagu fooggan yahay hummaagga qof hage u ah HIBF ayaan arkayaa. Waan ka xumahay in qiyaasteenni noqoto qadhiidh iyo qadaaddiic.

Bahda HIBF abaal weyn ayaa loogu hayay doorka ay buuxiyeen, waxa lagu tilmaami jiray “Gurmad u kacay afka, suugaanta, sooyaalka iyo qalinleyda”. Udub-dhexaad tabantaabiyay qoraalka dhiganeyaasha iyo dhaxal-reebka ayaa lagu sunti jiray.

Beryihii hore ummaddu waa ay kala garan jirtay fagaaraha siyaasiga ah iyo ka lagu hayo arrimaha bulshada. Haddii ay guusha HIBF tahay 95% miyaa ay tahay in lagu mashquulo gaabis 5% noqon kara? Halkii ay hambalyada ka mudnaayeen, miyaa aynnu hadimaynnaa?.

HIBF waa hooyada bandhigyada buugaagta Soomaalida ee Garoowe, Kismaayo, Muqdisho iyo Jabuutiba lagu qabto. Dadka bilaabay ee illaa maanta daaddihinaaya waxa ay mudan yihiin billad-geesi.

Maanso aan 2011ka tiriyay oo aan halyeyo reer Somaliland ah ku xusay waxa ku jiray:

“Dhab Jaamac qoraa hareer-gal

RED SEA hammigay kor yeeshay

Habayn bandhig loo hanweynyay

Horseedka Ayaan Cashuur dheh”

 

Ugu dambayntii waxa aan leeyahay geeddigu uma joogsan doono koox gobtahanyo marmarisa gardaadsheyaasha hirgeliyay. Kuwii xajiinta la yaaci jirayna qudhayda ha i xagxagtaan.

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso