London kama soo horjeedo inuu Daldalo Mareykanku laba Daacish ah oo asal ahaan ka soo jeeda Ingiriiska

Wasiirka amniga ee Britain Ben Wallace ayaa sheegay in Boqortooyada Ingiriiska aysan ka soo hor jeedin xukunka in la dilo labo xubnood oo ka tirsan ururka “Daacish” oo asal ahaan ka soo jeeda Ingiriiska haddii lagu wareejiyo Maraykanka .

“Ka dib markii uu si taxaddar leh u darsay talo-bixinta, xukuumaddu waxay samaysay go’aanka naadirka ah ee aan loo baahneyn in la damaanad qaado xaaladdan,” Wallace ayaa u sheegay Golaha Wakiillada.

Waxa uu tilmaamay in aanay u badneyn in lagu maxkamadayn doono Ingiriiska. “Uma maleynayno in aan caddaynno halkan inaan ku maxkamadayno UK,” ayuu yidhi, “Maxkamadaa waxaa laga yaabaa inay ka dhacdo Maraykanka.”

Waxaanu intaa ku daray “Waa in aynaan hilmaamin in dambiyada aan ka hadleyno ay yihiin jarida madaxda iyo duubista sawiro lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan iyada oo mid ka mid ah ururada ugu xun ee dunida,” Wallace ayaa sidaas yidhi.

Wallace ayaa xaqiijiyay in aysan aheyn muwaadiniin British ah ka dib markii ay dawladdu ka qaadatay jinsiyadooda nidaam aan caadi aheyn.

Labadan Nin ayaa kala ah Alexandra Coti iyo Shaafici Sheekh waana laba ka mid ah afar xagjiriin ah oo ka tirsanaa Daacish, oo loo yaqaan Beatles, oo ka qayb qaatay afduub, jidhdil iyo dilkii dad la haystay oo reer galbeedka. Unuggu wuxuu caan ku ahaa filimo fiidiyoow ah oo ah gawraca la haystayaasha kaas oo la yaab ku riday dunida.

Ragan ayaa waxa qabtay Ciidamadda Dimuqraadiga ee Suuriya oo ay taageerayaan isbahaysiga caalamiga ah ee Maraykanka uu hoggaamiyo iyaga oo ku qabtay Suuriya bishii la soo dhaafay.

Waxaa jira wadahadalo u dhexeeya Ingiriiska iyo Mareykanka oo ku saabsan sida iyo meesha lagu maxkamadaynaayo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso