Haweenay lagu dilay Dhacdo afduub dukaan ku yaal Galbeedka Maraykanka

Maamulka Maraykanka ayaa sheegay in nin Hubaysani dilay Haweenay ka tirsanayd tobanaan uu afduub ugu haystay muddo saacado ah dukaan ku yaal Losangales galbeedka Maraykanka,intii aanu isu dhiibin booliska.

Wakaalada Wararka Ap ayaa sheegtay in ninku isdhiibay ka dib wadahadalo dheer oo bilaysku la waday isaga oo haysta Afar ruux,Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa markii uu isdhiibay gacanta Bidix ka dhaawacnaa.

Sida ay Wariyeen warbaahinta Maxaliga ahi ninkan ayaa rasaas ku furay booliska kuwaas oo eryanayay intii aanu gelin Dukaanka kana dhaawacay mid ka mid ah.

Warabaahinta ayaa intaa ku dartay in ninkan hubaysan intii aanu ujeedsan inuu u cararo xaga dukaanka uu rasaas ku furay Ayaydii iyo Saaxiibadii ka dibna uu ku cararay gaadhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso