Nolosha Warqadaha Abdifataah M.Ahmed


 

Sannooyin badan ma garanaayo Maalin aan Suuqa Caasimada u tagey si aan buugg aan akhristo u soo iibsado,Buugg Soomaali ku qoran,Buug la iibinaayo,Muddadaasi sannadaha badan ah  Laba buug Keliya Ayaan Xiiso u qaadey in aan helo iyaga oo Dukaanka lagu iibiyo soo saaraan.

qormooyinkan Sannadlaha ah ee Leh Ciwaanka Nolosha warqadaha ,waa kuwo in badan soo socdey,si gaar ahna waxaan hadda ugu muddeeyey marka la daah-furo Carwada buuggaagta hargeisa.Ayaamahaasi Akhriska iyo buuggaagta saarkooda laga hadlaayo Ayaan ku simaa,Sida sannad kasta Hal-ku-dhega loogu Raadiyo Carwada Ayaan Annigu Taxanaheygan ugu helaa Hal-ku dheg,Hal-ku-dhageyguna waa “E-BOOKS oo qudha ka Jarey Buugta Dukaamada lagu Iibiyo”.

Noloshu aad bey ugu baahan tahay waxa Warqadaha lagu Qoraayo ee Wanaagsan,Wax fiican in qoraayadu ay warqadaha ku qoraan ayey tahay,Kheyrka ugu Weyna Maanta Warqado laga Akhristo oo barto Ayuu ku keydsan yahay,Fidnada iyo Dembiyada faafinaaya Ceebuhuna warqadaha Ayey dadka ugu soo baxaan dadkaana ku soo Qora,Sidaasi ayeynu u nidhi Nolosha Warqadaha.

aan ku Noqdee Labada buugg ee aan si dhab ah u dhammeeyey iskuna hawley helidooda iyo iibkooduba waa Buugga Aanadii Nageeye iyo Buugga Afka Ingiriisiga ku qoran ee ah “the Mourning Tree”.Sheekada horre wakhtigii ay socotey Dadkii u Akhriyey sida dad badanba ayna u seegin ayaan ku Jirey,Buuggan danbena Mohamed baruud Nolol Ayuu billowgeedii,Halgankeedii iyo Dhibteedii inoogu Qorey ay soo Arkeen.

Dukaamo badan oo ah kuwa buugaagta iibiya,waxa qudha ka Jarey Buuggaagta dhex socda Internetka,Buuggii Jeldiga adkaa waxa beddalay Midka Jilicda san ee Deg-deg kugu soo gaadhaya,Anniguna waxaan ka mid ahey dadka Akhris kasta iyo Baahi aqooneed kasta Xagga google.com ula kaca oo aan Marna buugg Soomaali ku qoran  oo suuq yaalla iskuba haleyn.

Dukaamo badan markaan suuqa tago Waxaan ku arki Jirey Muraayadaha qaar ka mid ah Buuggaagta Qoraayada Qurux iyo iib labadaba iyada oo loo soo dhigey,Dukamadaasi badan hadda sidii horre kuma ah iibinta buuggaagta,waayo Dhallinyar badan ayaa buugtii ka dhigtey E-BOOKS,Deg-deg loo heli karo,Bilaash ah,deg-degna u faafaya oo suuqa ka saareysa buuggii Jaldiga lahaa ee iibka sugaayey.

Suuqyo Muuqda Ayaa laga dukaameysan jirey buugaagtuna ay ooli Jirtey,hadda suuqyada E-Market Ayaa si xawli ah  u dhalan-rogay wax kasta,Tiknolojiyadu waa wax wanaagsan,Dukaamada E-Shop-kuna suuqii dhamaa ayey Maqsinkaaga aad ku nooshahay kugu keenayaan,inkasta oo aaney marna ku siin doonin farxadii aheyd in aad buugga suuqa u doonatid.Ayaamaha Akhriska iyo Qorraalka ee Sannadku ha idin fiicnaato,su,aashaasina Maskaxda la kaasho “Heerka Akhriska ee  Bulshadu tolow halkuu marayaa Low/High,Akhriskuse Soomaalida muxuu Noloshooda wax wanaagsan ku kordhiyey,Akhriska iyo Qorraalkase ma Qoraayada iyo dad kooban Ayuu gacantooda ku jiraa oo iska leh.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso