Ethiopia oo in ka badan $81 million Dollar ka heshay Dabka ay dhoofiso

Addis Ababa, July 21, 2018 (ToggaHerer) –Ethiopia ayaa ka samaysay adduun lacageed oo dhan 81.6 million US dollars Laydhka ay u iib-gaysay dalalka Djibouti iyo Sudan (July 8, 2017-July 7, 2018).

Qorshaha ayaa aha in laga soo xareeyo Lacag gaadhaysa 86.62 million US dollars Dhoofinta 1.512 billion kilowatt hours of electricity se may dhicin waxaana la helay lacag dhan 81.6 million US dollars dhoofinta Dabkan oo ahayd 1.466 billion kilowatt hours of electricity.

Sida ay sheegtay Wasaarada Biyaha iyo Laydhku 47.5 million US dollars waxay ka soo hoyatay laydhka Laga Iibiyey Sudan, halka ka Djibouti isna laga helay Adduun dhan 34.1 million US dollars.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso