Muuse Biixi iyo Isafgarad La,aanta Shacabka mohamed hoosh

Sheekadan Ayaa Tilmaamaysa

Webigii Waalida

Waxa Laga Sheekeeyaa In Webi Dhex Mara Boqortooyo Ay Deganaayeen Shacab Iyo Boqor Is Ogol

Webigii waxa Ku Dhacay Daacuun “Cudur” Qofka Cabaa Uu Ku Waalanaayo,

Shacabkii Ayaa Ka Cabay Webigii Dabadeed Way Wada Waasheen, Dadkii Ayaa Kooxo Kooxo Isku Raacay Oo Ku Wada Hadlay Af Aanay Dadka Fayoobi Garan karin

Boqorkii Ayaa Dareemay Inay Khatari Soo Food Saaratay, Wuxu Sameeyo Ayuu Garan Waayay Dadka Intuu Yaqaanay Ayuu Uga Digay Xanuunkan Waalida Balse Daacuunkii Waalida Ayaa Wada Gaadhay Shacabkii Oo Dhan,

Maalin Maalimaha Ka Mid Ayuu Boqorkii Ku Toosay Isagoo Daacuunkii Waalidu Haleeley Boqoradii, Boqoradii Ayaa La Kulantay Qayb Ka Mid Ah Shacabkii Waalnaa Iyadoo Ka Cabanaysa Inuu Boqorkii WAASHAY

Wasiirkii Gacanta Midig u ahaa Wuxu u Sheegay Boqoradii ayaa Xanuunkii Waalidu Haleelee Mee Ilaaladii u Gaarka ahaa Markay Waxani Dhacayeen

Wasiirkii: Ilaalada Laftigoodii ayuu Xanuunkii Gaadhay

Boqorkii : Iidoona Dabiibkii

Wasiirkii : Diktoorkii Isna Wuu Waashay Boqorow

Boqorkii : Waa Maxay Dhibtani Yaa Ka Fayow Dadkii Magaalada Deganaa ?

Wasiirkii : Waan Ka Xumahay,Magaalada Dhan Aniga iyo Adigaa ka Fayow

Boqorkii : Waxaan Dirqi ku Maamuli Jiray Dadkii Fayow oo Caafimaad Qaba Sideen u Maamuli Karaa Dadka oo Wada Waalan

Wasiirkii : Boqorow Shabcabku Wuxuu u Haystaa Inay Iyagu Fayowyihiin oo aanay Jirin Cid Waalani Aniga iyo Adiga Mooyaane

Boqorkii : Waa Maxay Waxaad ku Sheekaynaysaa, Iyagaa Webiga ka Cabay Iyagaanu Xanuunku ku Dhacay

Wasiirkii : Dhab Ahaantii Boqorow Waxay ku Andacoonayaan inay Biyaha u Cabeen si ay Uga Badbaadaan Daacuunka “Xanuunka” Waaalida, Sidaa Awgeed Ayay u Haystaan in Aniga iyo Adigu u Waalanhay

Boqorkii : Isii Koob Ka Mid ah Webiga Waalida ….WAALI WAXA AH ADIGOO INAAD AHAATID NIN FAYOW DADKA OO WADA WAALAN.

Luqadda Siyaasiga ah ee Muuse Biixi Ku Hadlaayo iyo Afkay Fahmayaan Shacabku Kolay Turjumaan Looga Maarmi Maayo!

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso