Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Prof Cali Khaliif oo Kulan la qaatay Baarlamanka Yurub.


Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng Faysal Cali Xuseen oo uu Wehelinayay Prof Cali Khaliif Galaydh oo hawlo shaqo u yimi Dalkan Belgium iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Belgium Amb. Maxamuud Cabdi Dacar ayaa maanta kulan la qaatay Xubno iyo Masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan James Carver MEP, Stephen Atkinson, Aleksander Pruitt iyo Amb Kaysar Cabdilaahi oo ka hawl gala Baarlamanka Midowga Yurub.

Ugu horrayn waxaa kulankaas si qoto dheer uga hadlay Eng Faysal Cali Waraabe oo si faahfaahsan u sharaxay Xaalada guud ee Dalka Somaliland ku sugan yahay, Arrimaha Ammaanka, Colaada deegaanka Tukaraq iyo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaalia.


Waxaa isaguna Warbixin waafi ah halkaas ka soo jeediyay Professor Cali Khaliif Galaydh oo si faahfaahsan uga warramay wada hadaladii u dhexeeyay Khaatumo iyo Xukuumada Somaliland. Waxa uu Professor ku nuuxnuuxsaday in si degdeg ah loo sii Ambo-qaado lana dardar geliyo wadahadaladii u dhexeeyay Xukuumada iyo Khaatumo.

Xildhibaan Jim Carver, Amb Dacar, iyo masuuliyiintii kala duwanayd oo dhamaantood madasha ka hadlay ayaa isku waafaqay in la sii xoojiya xidhiidhka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Somaliland.

Kulankan waxaa soo diyaariyay Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo hore u ahaa Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland imikana la shaqeeya Baarlamaanka Midowga Yurub.

Advertisement

Ku Xayeysiiso