Xumbo Cuskadayaal

Nin daad qaadey, xumbo cuskey.
Dhuux Baraar
Koox Dhuux Baraar rumeysnaanjirtey, oo boqor u ictiraafsanaanjirtey, ayaa haddeer Bucur Baceyr ka urisey. Sidaas darteed, soo hadalqaadkiisa’ba wa’ay ka xanaaqaan.

Jabuuti

Unug kale oo taariikhda Toljecle inay Jabuuti taalo ku andacoonjirey, ayaa inay soo qaadaan, oo ay keenaan laga dalbadey. Inay soo dhuftaan sidii looga filanayey, ayay iyagu’na dabeyl raaceen.

Harar

Urur kale oo taariikhda Toljecle inay Harar ku xafidantahay ku doodi’jirey, ayaa inay soo raraan laga codsadey. Inay soo dafaan sidii looga rajeynayey, ayay iyagu’na ka muquurteen.

Toljecle

Kuwo waxa jira, iyagu’na weedh kali ah, oo aan taariikheysneyn, oo raadraac kale aan lahayn, iyaga’na ay kaga dhagtey. Waxa ay la soo taaganyihiin: Toljecle waa la yaqaanaa.

Waxa’se aanay ogeyn, oo aan loo sheegin, inuu Toljecle’haas la yaqaanaa’i, uu Habar Jecle yahay.

Dirir Warsame – Habar Jecle
Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye.

Maxamed Nuur Fadal – Habar Jecle
Cali Dhuux dharbado reer Isaaq, waw dhug leeyahaye
Wuxu weliba dheeraad ku yahay, dheegga aan ahaye
Toljeclaha dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacay
Ogadeen dhasheega iyo sidii, ceel dhanaan noqoye.

Maxamed Nuur Fadal – Habar Jecle
Toljecle haddii laga dhaciyo, dheega Habar Yoonis
Ama dhalantidii Ciida-gale, lama dhaqaajeene.

Axmed Jaamac Cali (Caad-leef) – Habar Jecle
Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye
Miyeydnaan rogeyn ceebta waa, la iska reebaaye.

Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carabey) – Habar Jecle
Colkan Habar Toljeclo loola dudi, daw kalaw furane
Allow yaa carruurahan durdurin, kala dillaameeya.

Jaamac Axmed Jaamac (Gacma-dheere) – Habar Jecle
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtey.

Maxamed Aadan Caws (Yawle) – Habar Yoonis
Toljeclahaa dacalkayga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadda u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabay.

Sayid Maxamed Cabdille Xasan – Ogaadeen
Toljeclaha muraadkeyga iyo, masafadayda ula taga.
Axmed Sheekh Isxaaq
Sida kuweer Toljecle waa la yaqaanaadu ay ku go’antahay, ayay kuwa kale’na weedh aan soo’yaalsaneyni, ay ugu qufulantahay. Iyagu’na waxa ay dood ka dhigtaan: Axmed Sheekh Isxaaq waa la yaqaanaa.
Waxa’se ay mooganyihiin, inuu magacan uu Sheekh Ismaaciil Daraawiish bixiyey; oo uu Toljecle’hii galbeed u soo jabey, ee Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe) uu ku sharfey.

Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carabey) ayaa yidhi:
Xeer-beegti murantaa gartey, xeelli hadashaaye
Xubin rag isku waajahey hadday, xayga ka caddaato
Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara’e
Rag uun baan xisaab talo aqoon, xinna loo diraye.
Waxa aan lee’ahay:
Mar haddii aanay taariikh kale haynin, oo soo’yaal kale oo ay soo bandhigaanna aanay haynin, waa iska xumbo cuskadayaal.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso