Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay Inuu Socdaal Ku Tegayo Addis Ababa, Lana Soo Kulmi Doono Raysalwasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu safar ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha socdaalka madaxweyne Biixi, laakiin warar uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Addis Ababa ku tagi doono martiqaad uu ka helay raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu Addis Ababa markii u horaysay kula kulmi doonaa Raysalwasaaraha Itoobiya, oo la filayo inay ka wada hadlaan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweyne Biixi ayaa hore u tagay Addis Ababa markii la doortay, waxaanu halkaas kula soo kulmay raysalwasaarihii hore ee is casilay, waxaanu kulanka haddu noqonayaa kii u horeeyay ee dhex mara madaxda Somaliland iyo Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa toddobaadkii hore Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana la aaminsanyahay inay labada wasiir markaas isla qorsheeyeen socdaalka Madaxwene Biixi ee Addis Ababa.

Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh dhinacyo badan, waxaana xidhiidhadaas hadda ku soo biiray saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyay maalgelinta dekedda Berbera.
Geeska

Advertisement

Ku Xayeysiiso