Kaabayaasha Waxbarashada(II) Abdifataah M.Ahmed

Kaabayaasha Waxbarashada(II)

Abdifataah M.Ahmed

Sannadihii ugu danbeeyey waxbarashada somaliland dhanka asaaska kaabayaasha waxbarashada sida agabka iyo Dhismayaasha horusocod wey ka sameysey Guud ahaanteed,hase ahaate maal-gelintaasi kaabayaasha waxbarashada ee aan laheyn qorshe dhanka tayada ahi waa hawl-gal aan soo saari doonin natiijadii la doonaayey.

Somaliland waxa joogaa ururo badan oo ka shaqeeya kana taageera arrimaha waxbarashada lacagna ku bixiya,kuwaasi oo nasiib iyo fursad loo arko taageridooda dhanka waxbarashada qeyb kasta oo ka mid ah,haddana kuwo badan gaabis la xidhiidha sida ay u wada dabooli karaan baahida waxbarasho ayaa ka muuqata.

Waxbarashada somaliland waxa maamulka iyo masuuliyadaba u heysa wasaarada waxbarashada,Doorka ugu muhiimsan uguna weyn ayeyna ku leedahay,waa halka maamusha isla markaasina xakameyn karta wakaaladaha kale ee waxbarashada ee la shaqeeya ama hoos yimaada.iyada ayeyna tahay in ay la socoto sida ay wax u wadaan iyo daacadnimadooda, si ay ugaato in tacliinta ay bixinayaan ay tahay mid leh tayadii laga rabey.

inta lagu shaqeyn doono Siyaasad waxbarasho oo xeelad iyo khidadba ka leh tayada waxbarashada dalka oo dhan kana gudubtey fasal meel laga dhiso iyo agab la qeybiyo keliya,arrimuhu sidani ayuunbey iska ahaan doonaan,guusha aynu ardeygeena la rabnaana waxa ay noqon doonta mid wax badani ka maqan yihiin,Safarkuna wuu innagu sii dheeeraan marka Siyaasada waxbarashada dalku ay tahay mid kala daadsan,keliyana kaabayaasha dhismaha waxbarashada ayaa innagu  soo hadhi doona.

Waa inoo Toddobaadka dambe iyo Mawduuceyga kan xigi doona”Waxbarashada iyo Dugsiyada”.

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso