Khaladaadka Baabuurta Wadanka iyo Halista Amaan ee Bacda Beersoosha W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed

guud ahaan wadanka jamuhuryada somaliland waxa xaawli ku socoda korodhka gaadiidka kawaas oo sideetan kun (80,000) kor u dhaafay waayadii u dambaysay isla markaasna dhib iyo dheefba soo kordhiyay hadaba sidaas oo ay tahay waxa jira khaladaad badan oo ay galaan dadka wada gawaadhida waxaana ka mid ah khaladaadka ay galaan qodobadan:
1. socod xaawli ah
Waxa aad la kulmaysa inta badan gawaadhi xaawli ku socda magaalada dhexdeeda oo aan loo meel dayayn isla markaasna khatar ku ah dadka ka agdhaw wadada iyo agteeda marmarka qaar waxad arkaysa xoolo badan oo ay madax ka jiidheen kadibana ay xawli ku dhaafeen iyagoon eegin waxa ay jiidheen.
2. dhigista wadooyinka dhexdooda
Waxa inta badan lagu baarkin gareeyaa jidadka dhexdooda iyaga oo aan dan ka lahayn waxa ka dhalan kara wadayaashu markaad eegto sida salaxan ee loogu baarkin garayo jidadka magaalada hargeysa oo ah tan ugu cidhiidhiga badan guud ahaan wadanka.
3. ciyaal darawaliin ah
Waxa kala badh wada ciyaal ama dad aan garaad koodu buuxin kuwaas oo siday doonaan u wada marmarka qaarna ku tartama magaalada dhexdeeda iyaga oo ciyaar u jeeda.
4. bacda madow ee beersoosha ah
Waxa gaawaadhida yar yar badankooda lagu qariyey murayaadaha bacada madow ee beersoolka loo yaqaan taas oo aan la arkayn waxa saaran iyo waxa uu sidaba sida oo kalena amaanka iyo anshaxa wadanka khatar ku ah.
5. Liisan la’aan
dadka wada badi gawaadhida yar yar ee raaxada loogu talo galay waxa wada dhalinyaro bilaa liisan ah oo aan darawaliin buuxa ahayn isla markaana aan shuruudaha wadista gaadhiga iyo waddo marista aan si buuxda u garanayn oo haadka ay doonaan toocinaaya.
6.isku eriga basaska qaar
Waxa aad marmarka qaar la kulmaysaa bas dad rakaab ahi saaranyey oo eryanaaya mid kale oo la mid ah arintaas oo khatar ku ah dadk saran labadoodaba iyo inta ka agdhaw oo ay isla jiidhi karaan.
Hadaba lama soo koobi karo khaladaadk ay galaan gaadiidlayaasha wadankuye waxa haboon in si wadaniyad iyo daacadnimo ku dheehantahay loo saxo khaladaadkan aan kur ku xusay iyo kuwa aanan xusinba si aynu u noqono bulsho hurumar deg deg ah ka gaadha dhinaca gaadiidka oo aynu la tartano wadamada dhigeena ah ee hurumarka ka sameeyey dhinca gaadiidka shilalkuna u yaraadaan.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso