Dr Abiy Ahmed Ali 100 cisho oo ka bilaabma 2dii April ilaa iyo 10kii bisha July 2018

 

Dr Abiy aAhmed Ali wuxuu ku xaqiijiyey mudadaa gaaban ee 100 cisho ah hawlo aan Ethiopia iyo afrikada kale toona qarniyo u hir gelin waxa aan ka tagnay hawlo badan warqadani ma qaadayso hadii wax kasta iyo talaabo kastaba aanu waqtigiisa eegno, waxase laga arki karaa halkan Hogaamiye Hilaadin iyo higsi dheer leh oo u soo baxay GOBOLKA aan ka dhalanay ee Geeska Africa iyo Dalka Ethiopia/

2 April 2018 ayaa loo dhaariyey Raysalwaasaaraha dalka Ethiopia

Isla maalintiiba wuxuu khudbadiisii koowaad ku sheegay in uu Gacan nabadgelyo u fidinayo Dalka ay jaarka yihiin ee colaada dheeri ka dhaxaysay soona afjarayo sanado badan oo la kala Goay

7 April 2018 Wuxuu booqashadiisii koowaad ku yimi Kililka Soomaalida caasimada Jigjiga halkaas oo uu ku baaqay nabad iyo Horumar labada qoomiyadood ee uu mid ahaan ka soo jeedana wixii dhacay inay iska hilmaamaan gacmahana is qabsadaa ayuu ugu baaqay.

11 April 2018 Wuxuu booqday Kililka Oromada gaar ahaan Degmada kacdoonada badani ka socdeen AMBO halkaas oo mucaaridkii xukuumadii ka horeysay riday ay fadhiyaan kana soo dagaal galayeen 3dii sano ee u danbeeyay si fiican ayaanu ula hadlay dadkaasi

13 April 2018 Wuxuu booqday Maqale Magaalo madaxda Degaanka Digreyga

Sidoo kale wuxuu booqday Goondhar oo Amharadu degto,Awasa oo ah Gobolka 56 qoomiyadeed u ah magaalo madax looguna yeedho qoomiyadaha midoobay oo 80 qoomiyadood ee Ethiopia ku nool in ka badan badh ay ku nooshahay iyo dhamaan Gobolada qoomiyadaha kala duwan si uu xaaladahooga u soo ogaado

28 April 2018 Wuxuu safarkiisii koowaad ee dibeda ugu baxay dalka Djabouti , is afgarad iyo horumar ayaana uu la qaatay

2 May 2018 Wuxuu booqday Dalka Sudan halkaas oo waxyaabihii layaabka lahaa ay ka mid aheyd in dhamaan dadkii jeelasha ku jiray ethiopianka ahaa loo soo fasaxay

18 may 2018 Wuxuu tegay Dalka Sacuudiga waa booqashadii koowaad ee Africa dibeda uga baxsan waxaana casuumad rasmi ah u fidiyey boqorka dalkaas isla halkaasna waxa loogu soo fasaxay in ka badan kun maxbuus oo muwaadiniin Ethiopian ah

19 May 2018 Waxa uu booqday Dubai Dalka UAE halkaasna waxa lagu soo daayey qaar kale oo u xidhnaa dalkaas

30 May 2018 Waxa uu ooda ka qaaday boqolaal u xidhnaa Arimo siyaasadeed , sidoo kale waxa laga qaaday Tuhuno siyaasadeed iyo Danbi u sameyn dadyow dibed wareegayaal ahaa oo mucaarad aha iyo xisbiyo mucarada oo mamnuuc ahaaba

6 June 2018 Waxa baarlamaanku cod aqlabiyad badan ah ku meel mariyey in xaaladii degdega aheyd laga qaado dalkaas loona soo jeesto horumarinta iyo xoriyadaha oo la dhawro cid gaar ahna aan la baacsan, Isla fadhigaas ayaa lagu ansixiyey in Ethiopia u hogaansato afgaradkii JASAAIR lagu gaadhay 2000 lana fuliyo wixii ku qornaa heshiiskaas,

In Suuqa xor laga dhigo shirkado dawladu leedahay badh loo ogolaado in shacabku wax ku yeeshaan sidoo kale in loo aqoonsado xisbiyo Mucaarad ah lagana saaro liiska argagizisad ururadii bishii 6aad 2011 lagu tuhunsanaa ARGAGIXISADA (GINBOT 7 OLF ONLF iyo Isu taga Ethiopia)

6 June 2018 Wuxuu Abiy Axmed Magacaabay Hogaamiye cusub oo ciidanka ah iyo mid sirdoonka dalka isbedelkan oo aan 17 sano lagu dhicin

Sidii horeba aynu u aragnay wuxuu u baxay safari dibeda ah oo dhamaantood ku soo dhamaaday is afgarad iyo Aragti cusub oo nabad iyo iskaashi Horumareed, Uganda, Kenya, iyo Dalka Somalia ayuu booqashooyin ku bixiyey sidoo kale waxa uu booqday Dalka MAsar oo khilaaf mudo dheer qaatay uu soo afjar.

22 June 2018 Mucaaridkii degenaa dalka Eriteria ayaa ku dhawaaqay xabad joojin iyo in ay nabada la qaateen Raysal Wasaaraha Cusub

23 June 2018 Waxa isku soo baxay shacabka caasimad oo muujinayey taageerada RAysal Wasaaraha halkaas oo qarax yari ka dhacay kuna naf waayeen laba qof 150 kalena ku dhaawacmeen

26 June2018 Wafti heer sare ah oo ka socda dalka Eriteria ayaa soo gaadhay Addis Abeba waxaana ay sideen casuumad ku socota Raysal wasaare Abiy Axmed

28 June 2018 Maxbuuskii Soomaaliyeed ee C/kariim Muuse Qalbidhagax ayaa la sii daayey loona ogolaaday in uu xoriyadiisa ku baxo meesha uu jecel yahay.

30 June 2018Wasiirada xukuumada ayaa anasixiyey in ONLF,OLF, ginbot 7 ayna aheyn ururro Xagjira loona aqoonsaday ururo Mucaarad ah

2 June 2018 Ururkii oromada hogaamiyayaashiisii ayaa soo gaadhay dalka oo ay mudo dibed wareeg ka ahaayeen.

8 June 2018 Xidiga soo ifay wuxuu ka degeay Dalka Eriteria caasimada ASMARA oo dadweynihii degenaa aan qof ka hadhsaneyn isla 9 june 2018 waxa labada hogaamiye isla qaateen soo afjarida colaada dheeraatay iyo ka shaqeynta horumarka labada dal iyo dadka walaalaha ah.

Anigu iskamaan jeclaan ee taariikhda ayaa sidan u qorta qofka dhaqdhaqaaq muujiya

Ha noolaato nolosha higsiga lihi

Ha dhacdo nolosha khiyaaliga iyo is yeelyeelka ahi

(Shaqeeya Allah wuu idiin jeedaa iyo muuminiintuba)

Advertisement

Ku Xayeysiiso